Guddoomiyaha Garisa oo Amni xumida ku eedeeyey ciidamo ka tirsanaa DFS
January 2, 2013 - Written byGarisa:-Guddoomiyaha degmada Garisa Maxamed Macallin ayaa ku eedeeyay qaraxyada iyo dilalka ka dhaca gudaha dalka Kenya dhallinyaro u dhashay dalka Kenya oo ka mid noqday ciidamada DFS xiligii uu talada dalka hayey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Ahmed.
Maxamed Macallin ayaa mar uu wareysi siiyey wargeyska The Daily Nation waxaa uu si cad u sheegay in askar lagu tababaray gudaha Kenya oo ka goostay DFS ay wadaan amni xumada ka jirta gobalka Waqooyi Bari ee Kenya ka dib markii ay u adkeysan waayeen dagaalada ka socda Soomaaliya.
Ilaa iyo intii ay ciidamada dalka Kenya gudaha u galeen Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay gudaha dalka Kenya qaraxyo iyo dilal kala duwan oo ay dowlada Kenya ku eedeysay in ay ka danbeeyaan Ururka Al-Shabaab balse marna ma sheegay Ururka Al-Shabaab qaraxyada ka dhacay Kenya ;waxaana lagu dilay magaalada Garisa kaliya 11 askari oo ka tirsan ciidanka Kenya.
Cabdi Yare
Kismaaayo