Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo booqday Deegaan Xeebeedka Jaziira
January 20, 2013 - Written byMuqdisho:-Maalinimadii Shalay oo taariikhdu ahayd 6 /Rabiicu Awal / 1434H oo ku beegneed 18 / janaayo / 2013M ayay koox Culumaa’uddiin ah booqasho ku tageen Deegaan Xeebeedka Jaziira , waxaa hogaaminaayay Culumaa’uddiinka Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Ahna Madaxa Jamaacada Ictisaam bil kitaab wa sunnah ee soomaaliyeed Fadiilatu Sh.Bashiir Axmed Salaad
Ujeedada booqashada Waxay ahayd u kuur galidda xaaladda guud ee deegaanka gaar ahaan midda dacwadeed. Kulankan oo ahaa midkii ugu horeeyay oo ay booqasho ku tagto koox culimo ah, waxayna culimadu la shireen qeybaha bulshada kala duwan ee deegaanka sida : Culimada , Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka ; waxayna kawada hadleen sidii loo hormarin lahaa wanaaga iyo kheyrka ay haystaan bulshada ku dhaqan deegaan xeebeedka Jaziira , si fiican ayayna isugu af garteen arintaas
Waxay sidoo kale culimadu kala qayb galeen deegaanka dhagaysiga Khudbada Jimcada iyagoo Salaadii Jimce ku Tukatay magaalo xeebeedka Jaziira , sidoo kale Wacdi iyo Kalmo aad u qiimo badan ayuu halkaa ka soo jeediyey Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sh.Bashiir Axmed Salaad taasoo aad ay ugu riyaaqeen Buylshada ku nool magaala Xeebeedka Jaziira
no images were found
Ugu danbeen Booqashadii dacwadeed ee ka dhacday magaala Xeebeedka Jaziira shalay oo ay xubno ka socday Hay’adda Culimada Soomaaliyeed uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Hay’aada Sh.Bashiir Axmed Salaad waxa ay ku soo gabagabowday jawi aad u wanaagsan.
Cumar Cali
Halgan.net