Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo booqday Deegaan Xeebeedka Jaziira

January 20, 2013 - Written by

DSC00005Muqdisho:-Maalinimadii Shalay oo taariikhdu ahayd  6 /Rabiicu Awal / 1434H  oo ku beegneed 18 / janaayo / 2013M  ayay  koox Culumaa’uddiin ah booqasho ku tageen Deegaan  Xeebeedka Jaziira , waxaa hogaaminaayay Culumaa’uddiinka Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Ahna Madaxa Jamaacada Ictisaam bil kitaab wa sunnah ee soomaaliyeed  Fadiilatu Sh.Bashiir Axmed Salaad

Ujeedada booqashada   Waxay ahayd  u kuur galidda xaaladda guud ee deegaanka gaar ahaan midda dacwadeed. Kulankan oo ahaa midkii ugu horeeyay oo ay booqasho ku tagto koox culimo ah, waxayna culimadu  la shireen qeybaha bulshada kala duwan ee deegaanka sida : Culimada , Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka  ;  waxayna kawada hadleen sidii loo hormarin lahaa wanaaga iyo kheyrka ay haystaan bulshada ku dhaqan deegaan xeebeedka Jaziira , si fiican ayayna isugu af garteen arintaas

Waxay sidoo kale culimadu kala qayb galeen deegaanka dhagaysiga Khudbada Jimcada iyagoo Salaadii  Jimce ku Tukatay magaalo xeebeedka Jaziira , sidoo kale Wacdi iyo Kalmo aad u qiimo badan ayuu halkaa ka soo jeediyey  Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sh.Bashiir Axmed Salaad taasoo aad ay ugu riyaaqeen Buylshada ku nool magaala Xeebeedka Jaziira

no images were found

Ugu danbeen Booqashadii dacwadeed ee ka dhacday magaala  Xeebeedka Jaziira shalay oo ay xubno ka socday Hay’adda Culimada Soomaaliyeed uu Hogaaminayay Gudoomiyaha Hay’aada Sh.Bashiir Axmed Salaad waxa ay ku soo gabagabowday jawi  aad u wanaagsan.

Cumar Cali
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online