Khudbadii Jimce ee Masjidka Abubakar As-Saddique Islamic Sh Cabdiraxmaan Sh Cumar.[Daawo Video]
January 14, 2013 - Written bySh.Abdirahman Sh Omar ayaa waxaa uu si fiican uga hadlay khudbadiisii Jimcaha maalinta Qiyaamaha, goorta qof walba la siinayo buuga acmaashiisa ama wax qabadkiisii aduunka, ayna muhiim tahay qof walba oo muslima inuu ka walwalo oo gafafkiisa ku tiro u noqoshada Alle (SW) iyo in cafis la waydiisto inta la noolyahay.
Shiikh Abdirahman ayaa xusay in saacadaha ugu daran ee qiyaamaha qofka kitaabkiisa laga siiyo midigta , inuu Alle (SW) xisaabinayo xisaab fudud kadibna uu u noqonoyo ehelkiisii (xuuralceyntii, dadkii, guryihiisii) Janada asagoo faraxsanoo garanaaya(yaqaana). Sabab too ah aduunkay ku joogeen cabsi ay ka cabsanayeen ciqaabka Alle (SW) gaashaana ka dhigan jireen wanaaga ayna rajeyn jireen raxamada Alle (SW).
Sh Abdirahman ayaa dhinaca kalena xusay qofka kitaabkiisa laga siiyo bidixda ama dhabarka uu uyeedhanayo naar iyo halaag (hoogayeey, ba’ayeey, halaag samayeey) kadibna uu galayo naarta. Sabab too ah markuu aduunyada iyo ehelkiisa dhex joogay buu iska fraxsanaa oo waxa uu rabo iska sameen jiray asagoon u aabo yeelin ama dan ka gelin unoqashada Alle (SW).
Hoos ka Dhagayso Khudbadii Jimce ee Masjidka Abubakar As-Saddique Islamic (AAIC)
Masjidka Abubakar As-Saddique Islamic