Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Riyad
January 21, 2013 - Written byRiyad:-Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Riyad ee xarunta dalka boqortooyada Sacuudi carabiya waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuuliin ka tirsan dowlada Sacuudiga.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ka qeyb gali doonaa shir madaxeedka saddexaad ee Horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada waddamada Carabta kaas oo ka dhici doona magaalada Riyad
Shirka oo ayaa waxaa ka soo qeyb gali doona dowladaha khaliijka iyo wadamo kale oo carbeed waxaana diirada lagu saari doonaan ganacsiga, shaqo abuurista, iyo ka hor-taga cudurrrada dilaaga ee faafa .
Madaxweynaha DFS ayaa waxaa uu la kulmi doonaa madaxada dalka Sacuudi Carabiya iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas .
A/Cawale
Halgan.net