Madaxweynaha DFS oo ka qeyb galay shirka Midowga Afrika ee lagu qabtay Addis Ababa.
January 28, 2013 - Written byAddis Ababa:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi oo hogaaminayo ayaa waxey ka qeyb galeen kulankii 20-Aad ee Midowga Afrika oo ka dhacay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.
Waxaa kale oo qeyb ka ah wafdiga R/Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda Marwo Fawziyo Yusuf Adam,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, Safiirka Soomaalya u fadhiya Itoobiyo mudane Siciid Yusuf Nuur,iyo la taliyayayaal .
Markii ugu horaysay muddo dhan labaatan sanno ayuu Madaxweyne Soomaaliyeed qudbad ka jeediyay Xarunta Midowga Afrika.Madaxweynaha ayaa wuxuu ka hadlay siyaasadda cusub ee Soomaaliya taas oo ku saleysan Lixda Tiir siyasadeed ee uu kow ka yahay amniga.” Soomaaliya waxey hadda saarantahay waddadii saxda aheyd waxeyna ka mid tahay dalalka Midowga Africa.“Goobtaas ayaa Madaxweynaha aad loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Xassan Sh. Maxamud ayaa sidoo kale u mahad celiyay Midowga Afrika iyo beesha caalamka, sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu gargaareen.
Ugu danbeyntii ayuu Madaxweynaha wuxuu kulamo la qaatay,Madax fara badan oo ay ka midyihiin.Madaxweynaha Dowladda Equetorial Guinea,Tunisia,,Kenya,Nigeria,. Waxaa kale uu la kulmay Xogahyaha Guud ee Qaramadda Midoobay.
Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta
Villa, Somalia, Muqdisho