Madaxweynaha DFS oo kulan la qaatay wakiilo ka socday wadamada deeqda bixiya

January 23, 2013 - Written by

safiiroMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa uu kulamo kula yeeshay Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde wakiilo ka socday wadamada deeqda bixiya waxaana kulanka uu socday mudo aad u dheer .

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen labada dhinaca sidii DFS looga kaalmeyn lahaa mashaariic kala duwan waxaana saxaafada la hadlay markii uu kulanka soo idlaaday madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in muhimad gaar ah uu u lahaa kulankan maanta DFS waxaana la isla gartay ayuu yiri in la sameeyo hay’ado maamula dhaqaalada DFS inta ay ka xoogeysaneyso DFS.

Kulanka maanta ayaa waxaa ka qeyb galay wakiilo ka socday Wadamada deeqda bixiya kuwaas oo ka soo kala jeeda Mareykanka ingiriiska ,Turkiga, Italy iyo Norway.

Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxmuud ayaa sidoo kale sheegay in wakiilada uu la kulmay maanta ay diyaar u yihiin  inay Soomaaliya ka furtaan safaaradahooda si shacabka ay ula qeybsadaan wadciga heysta.

Madaxweynaha DFS ayaa sidoo kale maanta ku qaabilay xafiiskiisa safiirka cusub oo ay dalka Kenya u soo dirsatay Soomaaliya waxaana la socday safiirka Soomaaliya u qaabilsan Kenya Ambassador Maxamed Cali Ameeriko..

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online