Madaxweynaha Puntland oo caawa kula kulmay Bosaaso James Swan
January 10, 2013 - Written byBoosaaso:-Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa caawa kulan la qaatay James Swan Danjiraha Maraykanka u qaabilsan arrimaha Somalia,waxaana ay kulanka ku wada qaateen xarunta madaxtooyada magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.
Wafdiga uu hogaaminayo Danjiraha Maraykanka u qaabilsan arrimaha Somalia, James Swan ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya saraakiil ka socta wasaarada arimaha dibada waxaana ay caawa ka wada hadleen madaxweynaha Puntland arimaha Soomaaliya ,hanaanka xisbiyada badan ee Puntland ,iyo xaalada amniga ee Puntland .
Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Faroole ayaa waxaa kulankiisa ku weheliyey wasiiro ka tirsan xukuumadiisa waxaa ka mid ahaa wasiirka maaliyada ee Puntland Faarax Cali Shire iyo wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Siciid Maxamad Raage.
Socdaalka uu ku yimid Puntland Danjiraha Maraykanka u qaabilsan arrimaha Somalia ayaa ku soo aaday xili ay soo baxayaan khilaaf soo kala dhexgalay Maamulka Puntland iyo madaxada DFS waloow aysan wili si rasmi ah u soo shaac bixin.
M_M Deeq
Halgan.net