AMISOM tababar u furtay Maleeshiyaad beeleed ku sugan Beledweyne
January 24, 2013 - Written byHiiraan:-Waxaa maanta tababar ciidan loogu furay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan maleeshiyood beeleed gaaraya ilaa 500 oo maleeshiyo waxaan tababarka siin doono Saraakiil ka tirsan ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM waxaan uu tababarku socon doonaa ilaa 45 maalmood.
Ciidamadaan maleeshiyood beeleedka ayaa waxaa la iskugu geeyey xerada ciidanka ee Lama galaay ee magaalada Beledweyne waxaan xaflada tababarka maleeshiyaadkaan ka soo qayb galay guddoomiyaha gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax iyo taliyaha ciidanka AMISOM ee gobolka Hiiraan Col.Cismaan Dubbad Sugulle.
Col.Cismaan Dubbad Sugulle oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in maleeshiyaad beeleedkaan la siin doono tababar fiican iyo qalab si ay ciidanka dowlladu uga mid noqdaan oo ay dowladu u gaarto isku filnaasho ugana maarmaan ciidamada AMISOM.
Col. Cismaan Dubbad ayaa ku dhiiri geliyey maleeshiyaadka in ay marka ay tababarkooda ay dhamaystaan ay ku soo biiraan ciidanka DFS taas oo ah baahi weyn oo taagan si amaanka Gobolka Hiiraan loo sugo.
Ma ah markii ugu horaysay oo maleeshiyaad beeleed loo furo tababar gudaha dalka iyo dibadiisa lagu soo siiyo tababar ciidan balse markii ay waayaan dhaqaalo ku filan ay isku rogaan maleeshiyaad beeleed hubaysan oo geysta marka danbe dhac iyo kufsi.
A/cawaale
Halgan.net