Mu’tamarkii jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka South Africa oo la soo afmeeray.[war-saxaafadeed]

January 12, 2013 - Written by

Waxaa si guul ah kusoo gabagaboobay mu’tamarki waynaa ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka South Africa.Kulankan ayaa Golaha Dacwada ee Albayaan wuxuu sanadki saddexaad  ku marti qaaday dalkaas 5- kamida culumada soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin culumo aad caan u ah waxayna kala ahaayeen:

1-Sh.Maxamed Cabdi Umal

2-Sh.Maxamed Idris Axmed

3-Sh.Maxamed Cusmaan Calasow

4-Sh.Cabdiraxiim Cabdillahi Abuu Caynayn

5-Sh.CusmaanCaliFaarax

Golaha albayaan ayaa ah gole balaadhan oo kashaqeeya arrimaha dacwada,waxuuna maamulaa 25-Masjid oo yar yar iyo waaweyn isugu jira, 12 Madaraso iyo lix Markaz oo waaweyn oo maamul iyo mulkigiba ay ummadda somaliyeed ee ku dhaqan K/Afrika ay leeyihiin.

Gudoomiyaha gudiga abaabulka mutamarka Sh.Maxamuud Maxamed Adar oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ujeeddadii laga lahaa mu’tamarka ay kamid ahayd:

1-Wacyigalinta Guud ee Bulshada.

2-Sare U Qaadidda Wacyiga Diineed ee Bulshada.

3-Cadaynta Manhajka Saxiixa Ah.

4-Horumarinta Maraakizta Dacwada ee Dalkaas

5-Xoojinta Xidhiidhka Bulshada Ka Dhexeeya.

Kulankankankan ayaa lagu qabtay 4-goobood oo waaweyn iyadoo kadibna culumada la kala qaybiyay oo ay tageen lix magaalo oo Somali badani ku noo shahay.

Ka sokow duruusta ay culumadu u gudbiyeen bulshada waxay kulamo kala duwan layeesheen qaybaha bulshada sida ardayda waxkabarta dalka,haweenka,dhalinyarada iwm.

Sidoo kale waxay ka qaybgaleen culumadu laba xaflladood oo lagu soo bandhigay 21 arday oo dhamaysay quraanka 9 gabdhood iyo 12wiil oo culumadu ay gudoonsiiyeen abaalmarinno. Maxamuud maxamed adar ayaa sheegay in faa’idada mu’tamarka laga helay aan lasoo koobi Karin balse ay ugu muhiimsantahay:

1-Cilmigi ay soo bandhigeen culumada oo la duubay.

2-Boqolaal su’aalood oo taabanayay caqiidada,cibaadada,arrimaha qoyska,manhajka,iyo ganacsiga oo ay ka jawaabeen culumadu oo  laga jaahil baxay.

3-Iibintii labadii markaz eepretoriaiyo rustenburg oo meel aad u wanaagsan gaadhay.

4-kulankii dardaaranka ahaa e dhexmaray culumada iyo ducaadda Albayaan.

Ugu danbayn Sh.Maxamuud maxamed adar ayaa u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qaybqaatay hirgalinta mutamarkan.

 

Xafiiska warfaafinta ee Albayaan

www.albayaan.net

 

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online