Puntland oo soo dhawaysay Aqoonsiga USA ee Dowlada Federaalka Soomaaliya (Warsaxaafadeed)

January 20, 2013 - Written by

puntlandGaroowe:-Dowladda Puntland waxay soo dhawaynaysaa hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibeda ee  Dowladda USA Hillary Clinton oo ku dhawaaqday inay Dowladda USA si rasmi ah u  aqoonsatay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, oo uu hada hogaamiyo Madaxweyne  Xasan Shiikh Maxamud.

Puntland waxay u aragtaa go’aankii ay gaartay Dowladda USA talaabo taariikhi ah oo  hormarinaysa xiriirka USA iyo Soomaaliya ahna talaabo ku dayasho mudan.  Shacabka iyo Dowladda Puntland waxay u hambalyeynayaan Dowladda USA, Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed oo idil.

Puntland waxay ka qeyb-qaadatay door wayna ka ciyaartay dadaalkii caalamiga ahaa si uu  dalkii Soomaaliya uga baxo xilligii ku meel gaarka, geedi-socodkaasoo ay ka mid ahayd  ansixintii Dastuurka Federaalka Soomaaliya, dhisidii Aqalka Hoose ee Baarlamaanka  Federaalka iyo doorashadii Gudoomiyaha Aqalka Hoose, iyo doorashadii Madaxweynaha  cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay qeyb wayn oo muuqata ka qaadataa arrimaha ilaalinta  iyo adkeynta nabadda, amaanka iyo xasiloonida dalka Soomaaliya. Puntland waxay ku dhiirigalinaysaa Dowladda USA iyo saaxibada kale ee Soomaaliya inay  sii wadaan taageerada arrimaha nabada iyo xasiloonida, gargaarka bini’aadanimo, dowladwanaaga,  iyo barnaamijyada horumarinta dhaqaalaha ee guud ahaan dalka Soomaaliya.

Dowladda Puntland waxay ka filanaysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya inay dhowrto  kuna dhaqanto Dastuurka Federaalka, dalka wadaajiso taageerada caalamka ee barnaamijyada amaanka, hormariso dhamaystirka nidaamka Federaalka ee dalka Soomaaliya, taageerto dhisidda Dowladaha dhiman ee ka mid noqonaya Fedeeralka Soomaaliya, taageerto  dib u heshiisiin heer Qaran, dhisto Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ka wakiil ah  Dowladaha Xubinta ka ah Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Dastuurka Federaalka, iyo  inay dalka si nidaamsan u wadaajiso taageerada caalamka ee dhanka arrimaha gargaarka  bini’aadanimo iyo barnaamijyada horumarinta dhaqaale oo lagu bixiyo magaca dalka  Soomaaliya.

Ugu dambayntii, Puntland waxay ugu hambalyeynaysaa shaqadii wanaagsanayd ay qabatay  Wasiirka Arrimaha Dibeda ee dalka USA Hillary Clinton intii ay ku jirtay siyaasadda.

— DHAMAAD —

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online