Puntland oo warsaxaafadeed ka soo saartay kulan Xalay dhexmaray Faroole iyo James C. Swan.
January 11, 2013 - Written by
Boosaaso:-Puntland ayaa maanta warsaxaafadeed ka soo saartay kulan dhexmaray xalay madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Maxamad Maxamud (Faroole) Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambaasador James C. Swan.
Wafdiga uu hogaaminayey Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambaasador James C. Swan iyo Madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa waxay ka wada hadleen amaanka iyo xasiloonida dalka,barnaamijyada gargaarka bini’aadanimo, ansixintii Dastuurka Puntland iyo xisbiyada laga furay Puntland, iyo DFS.[nggallery id=363]
Warsaxaafadeedka ay ka soo saartay Puntland maanta kulankii xalay dhexmaray Madaxweyne faroole iyo James C. Swan ayaa waxaa uu u qornaa sidan.
Puntland State of Somalia
Madaxweynaha Puntland oo Boosaaso ku Qaabiley Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Maraykanka
WAR SAXAAFADEED 10 January 2013
Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa ku qaabiley xarunta Madaxtooyadda Bosaso Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambaasador James C. Swan. Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland ayaa ku soo dhaweeyey Amb.Swan madaarka magaalada Bosaso, ka dibna wafdigii Amb. Swan ayaa loo gelbiyay xarunta Madaxtooyadda oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Puntland.
Madaxweyne Farole waxaa kulankii wafdigii Dowladda Maraykanka kala qeybgalay Wasiirka Maaliyada Farax Cali Shire, Wasiirka Dekedaha Sicid Maxamad Rage iyo Wasiirka Amniga Khalif Ciise Mudan. Arrimihii laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa amaanka iyo xasiloonida dalka,
barnaamijyada gargaarka bini’aadanimo, ansixintii Dastuurka Puntland iyo geedisocodka nidaamka dimuqraadiyeynta Puntland, iyo arrimaha la xiriira Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la doortay 2012.
Amb. Swan ayaa ku amaanay Dowladda Puntland dadaalka xoojinta xasiloonida iyo doorkii muhiimka ahaa ee Dowladda Puntland ka qaadatay geedi-socodkii Roadmap-ka iyo Dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa Puntland uga hambalyeeyey howlgalkii lagu soo furtay 22-qof oo saarnaa markabkii MV Iceberg 1 oo koox burcad-badeed ah ay afduub ugu
haysteen xeebaha Soomaaliya muddo ku dhow 3-sanno. Ciidamada Puntland ayaa soo furtay shaqaalihii Markabka MV Iceberg 1 oo u kala dhashay lix-wadan wuxuuna howlgalkaasi socday muddo dhan 14-berri.
Madaxweynaha Puntland ayaa uga mahadceliyay Dowladda Maraykanka taageeridda ay ku bixiso mucaawanooyinka iyo arrimaha siyaasadda iyo amniga ee dalka Soomaaliya. Amb. Swan ayaa ku amaanay Dowladda Puntland dadaalka xoojinta xasiloonida
— DHAMAAD —

.gif)

