Puntlland oo ka tacsiyeysay geeridii ku timid Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland
January 22, 2013 - Written byGaroowe:-Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun.Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca Dowladda Puntland iyo magaca Shacab ka reer Puntland, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa shacbiga iyo Dawladda Puntland iyo gaar ahaan Qoyskii iyo Ehelladii oo aan uga tacsiyeynaayo geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Xasan Daahir Maxamuud (Afqurac), Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland (2005-2008) oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi, Kenya.
Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, Qoyskiisii, Ehelladiisii, Asxaabtiisii, iyo dhammaan Shacabka iyo Dowladda Puntland-na ka siiyo Samir iyo Iimaan. Aamiin.
Gen. Cabdisamad Cali Shire
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland
Communications Office