R/W DFS Cabdi Faarax Shirdoon oo ka badbaaday qarax lagu khaarajin lahaa
January 29, 2013 - Written byMuqdisho:-Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaray xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah lala beegsaday afafka hore ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon xili uu ku sugnaa xafiiskiisa.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay sida lagu helayo warar hordhac ah hal askari 6 kalena wey ku dhaawacmeen kuwaas oo dhamaantood ahaa ilaalada xafiiska Raisulwasaare Saacid.
Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegay qofka isqarxiyey uu isku qarxiyay inta u dhaxeysa xarunta nabad-sugidda iyo xafiiska Raisulwasaare Saacid ka dib markii uu toogtay askari ka tirsan ilaalada Ra’iisulwasaare Saacid.
Ra’iisulwasaare Saacid ayaa wax dhib ah kama soo gaarin qarax saaka ka dhacay afafka hore ee xafiiskiisa sida wakaalada wararka ee AFP uu u sheegay sarkaal ka tirsan xarunta Madaxtooyada.
Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa la filayaa inuu shir jaraa’id uu qabto goor dhow si uu u faah faahiyo qaraxa ka dhacay afafka hore ee xafiiskiisa.
A/Cawale
Halgan.net