Ciidamada DFS iyo AMISOM oo la wareegay deegaano ka tirsan gobalka Sh/ Hoose

February 14, 2013 - Written by

AMISOMMuqdisho:-Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saaka la wareegay deegaano ka tirsan gobalka Shabellaha Hoose, ka dib markii laba jiho ay ka soo galeen ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM waxaana halkaas isaga baxay ciidamada Ururka Al-shabaab oo in mudo ah halkaas ka talinayey.

Gudoomiyaha maamulka gobolka shabeelaha hoose ee DFS Cabduqaadir Max’ed Nuur Siidii ayaa sheeegay in ay Ururka  Alshabaab ay ka qabsadeen deegaanada kala ah Jannaale,Awdhiigle,Daara Salaam,Bariire,Malable iyo Gunji.

Ilaa haatan ma jirto wax dagaal ah oo ka dhacay dhamaan deegaanada ay la wareegeen ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS waxaana deegaanada ay qabsadeen ay muhiim u tahay isku xirka iyo amaanka Degmada Marka iyo Muqdisho.

Jen C/laahi Cismaan Cagey oo ah taliyaha gaaska labaad ee ciidanka DFS ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS oo isgarabsanaya ay guul ka gaareen duulaan ay ku qaadeen deegaano ka tirsan gobalka Shabellaha Hoose wuxuuna sheegay in ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay ku wajahan yihiin degmada Qoryooley.

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Ururka Al-Shabaab óo ka hadlay deegaanada ay la wareegeen ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online