Ciidanka amaanka ee Puntland oo dad badan u qabtay dilka Sh C/qaadir Nuur Faarax

February 23, 2013 - Written by

Howlgal-BoolisGaroowe:-Wararka aan ka helayno maanta magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen in ka badan 50 qof kuwaas oo lagu eedeeyey in ay ku lug lahaayeen dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax raximahulaa kaas oo lagu dilay magaalada Garoowe.

Ciidamada amaanka ee Puntland oo kaashanaya dadweynaha ayaa waxay ka soo qabteen magaalooyinka Garoowe ,Boosaaso,iyo Gaalkacyo ilaa 60qof kuwaas oo lagu eedeeyey in ay falal amaan xumi ah ka wadaan Puntland qaarkoodna ay qeyb ka ahaayeen dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax .

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Dukumiintiyo ,Kumbuyuutari ,hub iyo Bambaanooyin kala duwan sida Halgan.net uu u sheegay wariye madax banaan oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Dadka la qabqabtay ayaa waxaa ku jira dumar kuwaas oo guriyaha ka kireeyey raga la qabtay waxaana wili socda howlgalo kala duwan oo ay wadaan ciidamada Amaanka ee magaalooyinka Garoowe,Boosaaso,iyo Gaalkacyo.

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doona warbixino iyo xog Muhiim ah oo ay haatan gacanta ku hayaan gudi ay hogaan u yihiin ehelada Sheekh C/qaadir Nuur Faarax kuwaas oo wada baaritaan iyo xog uruuris badan waxaa sidoo kale gacan siin doona Gudigii loo xilsaaray in ay soo baaraan dilkii Sheekh Dr Ahmed Xaaji C/raxmaan kuwaas oo guul ka gaaray baaritaankii ay wadeen.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online