Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqay in la iska dhiciyo Ururka Al-Shabaab[Masawiro+Cod]

February 19, 2013 - Written by

shaxmedGaroowe:-Waxaa culimada Soomaaliyeed gaar ahaan culimada ururka Al-ictisaam Bilkitaabi Wasunah oo shir uga socday  magaalada Garoowe mudo 3 beri ah maantana soo gabagaboobay ayaa waxaa ay maanta saxaafada kula hadleen magaaalada Garoowe waxaa ay sheegeen in Sh Cabduqaadir Nuur Faarax ay dileen ururka Al-shabaab kuwaas oo shir qoolo ku dila haldoorka umada Soomaaliyeed.

Sh. Axmed Cabdisamad oo la hadlay idaacadaha kale duwan ee ka howl gala degaanada Puntlland ayaa ugu baaqay Isimmada, Culimada, Beelaha in ay si wada jir ah meel looga soo jeesto kooxda al-shabaab oo u adeegaysa cadawga islaamka .

Sheekh Axmed Cabdisamad ayaa sidoo kale sheegay in culimada Soomaaliyeed ay shir hordhac ah ay iskugu imaan doonaa ka dibna ay ka soo saari doonaa Fatwo ay ku howl galaan dhamaan umada Soomaaliyeed si kooxda Al-shabaab looga badbaadiyo umada Soomaaliyeed iyadoo shirkaas uu dhawaan dhici doono.[nggallery id=406]

Sh axmed Cabdisamad ayaa sheegay in ururka Al-shabaab falalkooda guracan ay yihiin kuwo aan waafaqsanayn shareecada islaamka,Shiikh ayaa waxaa kale oo uu sheegay inay isku danbi yihiin kan falka dilka geystay,kan qariyey,kan dhaqaalaha ku bixiyey ,kan ugu adeegaya warbaahinta oo wada marin habaabinta ku salaysan been abuurka alle ka fogaasho ah.

Sh Axmed Cabdi samad ayaa u mahad u celiyey Dowllada Puntlland, dowllada Somalilland oo ku guulaystay in ay qabtaan dhagar qaba yaashii wax ka soo abaabulay dilka Sh Cabduqaadir Nuur Faarax halka Dowllada Federaalka Soomaaliya ay gargaar dhinac caafimaad ka ah ay u fidisay dadkii ku dhaawacmay qabashadii dhagarqabihii dilay Sh Cabduqaadir Nuur Faarax Allaha u naxariistee.

Culumada ayaa ugu baaqay dhamaan Maamulada ka jira dalka in ay qaataan oo ku dhaqmaan Shareecada Islaamka waxayna ka codsadeen in Mujrimiinta dishay Sheekh DR Ahmed Xaji C/raxmaan iyo Sheekh C/qaadir la mariyo xukunkooda Shareecada Islaamka.

Warsaxaafadeedka Culumada Jamaacat Ictisaam ay ka soo saareen dilka Sheekh Cqaadir Nuur Faarax.

Hoos ka Dhageyso war-saxaafadeedka uu akhriyey Sh Axmed Cabdisamad

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/mio7o6p8q9/warsaxaafadeed.mp3″] ama Halkan Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online