Culumada iyo Ducaada DARUL-HIJRA oo tacsi u diray eheladii Sheekh C/qaadir Nuur

February 16, 2013 - Written by

clip_image002ILAAHAY BAA NA LEH , ISAGA AYAANAN U NOQONAYNAA, ALLAH WUXUU LEEYAHAY WUXUU QAATO IYO WUXUU BIXIYABA, SHAY KASTANA AGTIISA WUXUU KU LEEYAHAY WAKHTI GO’AN “

INTAA KA DIB , MARKAZKA DARUL-HIJRA ISLAMIC CENTRE EE MAGAALADA TORONTO ISAGA OO KU HADLAYA GUUD AHAAN MAGACA JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KU DHAQAN WADANKAN CANADA,

WAXAAN TACSI TIRAANYO LEH U DIREYNAA ; ANAGOO KA MURUGEYSAN GEERIDI NAXDINTA LAHAYD EE KU TIMID SHEEKH CABDULQAADIR NUUR FAARAX

EHELADA SHEEKHA( OO UU KA MID YAHAY IMAAMKA MASJIDKEENA DARUL-HIJRA SH.C/KHAALIQ CABDULLAHI NUUR FAARAX OO UU SHEEKHU ADEER U YAHAY),SHACABKA SOOMAALIYEED, CULIMADA SOOMAALIYEED,ARADADA SOOMAALIYEED IYO DHAMMAAN SHUCUUBTA ISLAAMKA.

WAXAAN SHEEKHA ILAAHAY OOGA BARYAYNAA IN UU DANBIGIISA DHAAFO,JANNATUL FIRDOWSANA SIIYO, EHELKA IYO ASXAABTA UU KA TAGAYNA SAMIR IYO BADAL KHAYR QABA SIIYO. AAMIIN.

” ISHU WAY ILMAYNEYSAA, QALBIGUNA WUU TIIRAANYOONAYAA, MANA ORANAYNO WAX ALLAH RAALIGALAYA MOOYEE WAX KALE, GEERIDAADANA WAAN KA MURUGEYSANAHAY SHEEKHANAA CABDULQAADIROW”إن لله ما أخذ، وله ما أعطى، وكل شيء عنده بأجل مسمى

 

C/RASHIID CALI MAXAMED

MAAMULKA MARKAZKA DAR-ULHIJRA

INFO@DARULHIJRA.ORG

1 Comment so far

Leave a comment

  1. waxaan uga tacsiyeeynayaa Ummadda Soomaaliyeed, Culuma udiinka iyo dhammaan eheladii Sheekh C/Qaadir Nuur Faarax, dilkii naxdinta lahaa ee loogaystay galabta isaga oo salaadii casar rukuucdii udanbeysay ka soo kacay. Sheekh C/Qaadir Nuur Faarax wuxuu ahaa abeeha ruuxiga ah ee fidinta dacwada salafiga ah cumrigiisana ku dhameeyey u yeeridda iyo barida dacwada saxda ah muddo ku dhow konton sano.
    Waxaan Rabbi naxariistiisa iyo dembi dhaaf u weydiinayaa Sh. C/Qaadir Nuur Faarax. Waxaan kaloo Rabbi ka baryaynaa in Dhiigmiiratada iyo ciddii ku saacidayba ku ciqaabo ciqaabkay mudan yihiin iyo in Rabbi soo gacan geliyo cid kasta oo gacan ka geysatay dilkaan foosha xun .
    Sheekh C/Qaadir wuxuu ahaa macalinkeyga runtii aan aad u jeclaa ,waxaana iigu danbeysay Ciidul fidrigii 2012 miilaadiga, sheikha aniga oon arag mudo dheer iiguna danbeysay aniga oo aad u yar, ayaan u tagay markaan magacayga u sheegay ayuu igu yiri habeen dhoweyd baan kaa sheekeynaayey , sheikhu wuxuu ahaa nin Muslimiinta jecel oo midyar iyo mid weynba qadariyah, nin geesi ah oo aan xaqa ka baqib , nin daacad ah , markaan dhulka tagay waxaa la ii sheegay in sheekha maahee iyo dad yar intii kale dadkii daacadnimaddii ka fogaadeen ,sheikha waxaan ku xasuustaa isaga oo ah nin caalim ah ayuu anagoo Dugsi hoose diganah Tarbiyatul Islaam noodhigi jiray, waxayna ku tusinaysaa sida ay uga go’nayd in uu dadka diinta baro.
    Mahamed Deeq Finland

Leave a comment

*