Dhagarqabihii dilay Sh Cabduqaadir Nuur Faarax oo la qabtay
February 15, 2013 - Written by
Garoowe:-Allaha u naxariistee sidii aan ku sheegnay wararkeenii hore ee maanta waxaa magaalada Garoowe gaar ahaan Masjidka Badr lagu dhex dilay xili lagu jiray Salaadii Casar Sheekh.Cabduqaadir Nuur Faarax oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya. Allaha u naxariistee Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa la dilay xili uu ku guda jiray Salaadii Casar rakcadii Afaraad iyadoo dhagarqabihii dilay uu xabada ku dhuftay ka dibna uu salad ka baxay iskuna dayey in uu baxsado balse gabar iyo wiil ayaa ku guulaystay in ay qabtaan wallow uu u gey stay dhaawacyo.
Xiriiro kale duwan oo aan la samaynay ducaad iyo Arday ayaa noo xaqiijiyey in Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax xiligii la dilay uu ku gudo jiray Salaadii Casar Rakcadii u danbaysay, Dhagarqabaha dilka geystay ayaa hadda lagu hayaa Xabsiga weyn ee magaalada Garoowe. Dilka Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax markii uu dhacay ayaa dadweyne fara badan waxaa ay ku soo xoomeen Isbitaalka weyn ee Garoowe iyadoo dadku ay ahaayeen kuwa raadinaya xogta Shiikh Allaha u naxariistee.
Shabakadda wararka Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta xogta rasmiga ah iyo wixii war ah oo ka soo kordha dilka Shiikha.
M_M_Deeq
Halgan.net

.gif)

