DFS oo maamul ku meel gaar ah u magacawday Gobolka Bay
February 5, 2013 - Written byBaydhabo:-Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud uuna ku saxiixan yahay Guddoomiyahah baarlamaanka DFS Maxamed Cismaan Jawaare ayaa waxaa lagu magacaabay Guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen ku meel gaar ah Gobolka Bay.
Guddoomiye ku meel gaar ah Gobolka Bay ayaa waxaa loo magacaabay Cabdi Aadan Hoosow waxaan xilka loo magacaabay uu hayn doonaa ilaa mudo dhan 6 bilaad ,waxa kale oo guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyad loo magacaabay Mustafe Ibraahim halka gudoomiye ku xigeenka dhinac arrimaha bulshada loo magacaabay Ibraahim Xuseen Xassan.
Dhinac kale Guddoomiye degmada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa waxaa loo magacaabay Xassan Macalin Axmed “Biikolo” halka guddoomiye ku xigeenka siyaasada iyo amnigana degmada Baydhabo loo magacaabay Cabdulqaadir Sh Cali Aadan “Barako.”
Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyada degmada Baydhabo ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Macalin Ibraahim “Dhaladheere”. Gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Baydhabo waxaa loo magacaabay Sandheere Madaxamed Iftin, Waxaa kale oo Xoghayaha dowlada hoose ee degmada Baydhabo loo magacaabay Axmed Maadeey Isaaq.
Wareegta ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in xilkii laga qaaday guddoomiyihii hore ee Gobolka Bay Cabdifataax Geesey iyo maamulkii degmad Baydhabo. Wareegtadaan ayaa waxaa ay ka soo baxda xafiiska Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud waxaan ku saxiixan guddoomiyaha Baarlamaaanka DFS Maxamed Sh Cusmaan Jawaari iyo Wasiirka Arrimaha gudah iyo amniga C/Karin Xuseen Guuleed.
A/cawaale
Halgan.net