DFS oo maamul ku meel gaar ah u magacawday Gobolka Bay

February 5, 2013 - Written by

Magaalada-BaydhaboBaydhabo:-Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud uuna ku saxiixan yahay Guddoomiyahah  baarlamaanka DFS Maxamed Cismaan Jawaare ayaa waxaa lagu magacaabay  Guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen ku meel gaar ah  Gobolka Bay.

Guddoomiye ku meel gaar ah  Gobolka Bay ayaa waxaa loo magacaabay Cabdi Aadan Hoosow waxaan xilka loo magacaabay uu hayn doonaa ilaa mudo dhan 6 bilaad ,waxa kale oo guddoomiye ku xigeenka maamulka  iyo maaliyad loo magacaabay  Mustafe Ibraahim  halka gudoomiye ku xigeenka dhinac arrimaha bulshada loo magacaabay Ibraahim Xuseen Xassan.

Dhinac kale Guddoomiye degmada Baydhabo  ee Gobolka Bay ayaa waxaa loo magacaabay Xassan Macalin Axmed “Biikolo” halka guddoomiye  ku xigeenka siyaasada iyo amnigana degmada Baydhabo  loo magacaabay Cabdulqaadir Sh Cali Aadan “Barako.”

Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyada  degmada Baydhabo ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Macalin Ibraahim “Dhaladheere”. Gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Baydhabo waxaa loo magacaabay Sandheere Madaxamed Iftin,  Waxaa kale oo Xoghayaha dowlada hoose ee degmada Baydhabo loo magacaabay Axmed Maadeey Isaaq.

Wareegta ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha  DFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in xilkii laga qaaday guddoomiyihii hore ee Gobolka Bay Cabdifataax Geesey iyo maamulkii degmad Baydhabo. Wareegtadaan ayaa waxaa ay ka soo baxda xafiiska Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud waxaan ku saxiixan guddoomiyaha Baarlamaaanka DFS Maxamed Sh Cusmaan Jawaari iyo Wasiirka Arrimaha gudah iyo amniga C/Karin Xuseen Guuleed.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online