Gacan-ku dhiiglayaashii diley Sheekh Axmed Xaaji oo la filayo in beri maxkamadda la hor keeno

February 12, 2013 - Written by

dilBoosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo ayna na soo gaarsiyeen Ehelada Sh Dr axmed Xaaji ayaa sheegaya in maalinta beri oo Arbaco ah la filayo in maxkamadda Darajada 1aad ee magaalada Boosaaso la horkeeni doono qaar ka mid ah gacan ku dhiig layaashii dilay Sheekh Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan (Allaha u naxariistee).Dhagar qabayaashaan  qaarkood ayaa waxaa ay horay u qirteen inay iyaga iyo koox kale oo ka tirsan amniyaadka Ururka Al-Shabaab ay fuliyeen dilkii foosha xumaa ee lagu dilay Allaha u naxariistee Sh.Dr Ahmed Xaaji C/raxmaan ka dib markii ciidanka Puntlland ay qabteen qaarkood.

Maamulka  Puntlland ayaa dhowr mar sheegay in ay weli ku raad joogaan rag kale oo aan weli gacanta lagu dhigin kuwaas oo ka tirsanaa  amniyaadka Ururka Al-Shabaab oo iyagu bixiyey amarkii iyo taladii lagu dilay Sheekh.Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan (Allaha u naxariistee) oo qaarkood ay ku sugan yihiin dalka dibadiisa.

Markii dilku Sheekhu dhacay ayaa howl galo ay sameeyeen ciidanka Booliska oo kaashanayay dadweynaha ayaa waxaa ay qabteen qalab fara badan oo iskugu jira 2-dii Bistooladood oo ay wateen raggii dilay Sheekha Dr Axmed , Xaaji ,walxaha qarxa, Bambooyinka gacanta laga tuuro , Documintiyo ay ku keydsadeen kooxdu kumbuyuutaro, hard disk-yo, buugaag iyo telfanada gacanta.

Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa lagu dilay ilaa 151 qof oo uu ku jiro Sh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan uuna ugu danbeeyey allaha u naxariistee Suldaan Muuse Faarax Muuse (Onkod), dilalka iyo qaraxyada  ayaa inta badan waxaa lagu khaarajiyaa dadka waxgaradka ah iyo masuuliyiinta ka tirsan Maamulka Puntlland.

Gudi madax banaan oo loo xilsaaray baaritaanka dilka Sh Dr Axmed Xaaji C/raxmaan ayaa waxaa ay soo saareen warbixin ku saabsan kooxda dilka geystay Halkaan ka eeg magacyadood. Halkaan ka eeg wararkii iyo warbixinadii ka dib dilkii Sh Dr Axmed Xaaji

Hoos ka Daawo waraysi lala yeeshay Afhayeenka gudiga madaxbanaan ee dilka Sh.Dr Axmed Xaaji Maxamed Jaamac.

Hoos ka Daawo Video qiraal ay ku bixinayaan qaar ka mid ah kooxdii geystay dilkii Sh. Dr Axmed Xaaji

Xafiiska wararka Halgan.net
ee magaalada,Boosaaso

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online