Ganacsato ka socda gobolada Gedo iyo Jubbooyinka oo soo gaaray Gaalkacyo

February 12, 2013 - Written by

diyaaradGaalkacyo:-Waxaa maanta soo gaaray  magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug wafdi ganacsato ah  oo ka socda gobolada Gedo iyo Jubbooyinka kuwaas oo ka  yimid  magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Garoonka  Diyaaradaha ee C/laahi Yuusuf Ahmed ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey wafdi   ka socday  gobolada Gedo iyo Jubbooyinka maamulka Degmada, Ganacsato iyo dadweyne kale .

Duqa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug Col. Axmed Cali Salaad ayaa soo dhaweeyey ganacsatada ka socota gobolada Gedo iyo Jubbooyinka wuxuuna ku baaqay in la soo dhaweeyo isaga oo shaaca ka qaaday in wafdiga ay u gudbi doonaan magaalada Garoowe.

Dhanka kale waxaa saxaafada la hadlay Yuusuf Xuseen Maxamed (Yuusuf Cadde) oo ka mid ahaa wafiga  ka socda gobolada Gedo iyo Jubbooyinka wuxuuna u mahad celiyey dhamaan dadlkii sida diiran u soo dhaweeyey wuxuuna sheegay in ay qeyb ka yihiin ganacsato wax ka dhisaya Maamulka Jubba-Land State.

Yuusuf Xuseen Maxamed (Yuusuf Cadde) ayaa sidoo kale sheegay in wafdiga ay u gudbi doonaan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland si ay ula kulmaan Madaxada dowlada Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online