Golaha Qaramada Midoobay oo ka shiray xaalada dalka Soomaaliya [Video]
February 15, 2013 - Written byKulan ay yeesheen Golaha Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay uga hadleen xaalada dalka Soomaalia waxaan ay ka doodeen xaalada amni iyo tan xaalada bini’aadamka ah. waxyaabaha lagu soo qaaday kulanka ayaa waxaa ka mid ah siddii dowllada Soomaaliya looga taageeri lihii dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo in wax laga qabto xadgudub yada lagulal kacyo haweenka iyo wariyaasha oo dilal qorshayn lagu khaarajiyo iyo arrimo badan oo khuseeyey dowllada Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibedda ee Dowllada Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yusuf Xaaji Aaden ayaa waxaa ay sheegtay in DFS ay guulo gaareen oo urruka Al-shabaab ay awoodoodii ay wiiqiin iyadoo codsatay in ciidanka Dowllada ay u baahan yihiin tababar waxaan ay u mahad celisay ciidanka AMISOM iyo dowlladaha dariska ee gacanta siiya Dowllada Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibedda ee Dowllada Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yusuf Xaaji Aaden waxaa kale oo ay Golaha Qaramada Midoobay ay ka codsatay in wax laga qabto burcad badeedka oo dhibaato badan ku haya xeebaha dalka Soomaaliya iyo weliba gacanka cadmeed arrinkaas oo ay sheegtay in wax badan aysan ka qaban caalamku. Halkaan ka akhriso warbixinta oo dhamaystiran
Warbixinta oo dhamaystiran dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa haddii Alle idmo
M_M_Deeq
Halgan.net