Hammigii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Raximahulaah W/Q Sheekh Abu Xasaan

February 26, 2013 - Written by

Maqaal-300x158Sida lagu yaqaanno culimada ka run sheega cilmiga ay xanbaarsanyihiin sheekh C/qaadir alle ha u naxariistee hammiga uu xanbaarsanaa wuu ka weynaa goobta iyo wakhtiga uu joogaba,wuxuu xanbaarsanaa hammiga islaamka iyo muslimiintaba,mana aheyn qof naftiisu hammi weyn ku hayso ama danihiisa gaarka ah ku kooban. 

Qof walba oo sheekh C/qaadir yaqaannayna wuxuu ku xusuustaa inuu ahaa qof hammigiisu joogto yahay oo maalin walba ku howlan wixii uu is leeyahy dan ayaa diinta dalka iyo dadkaba ugu jira, waxaana arrintaas tilmaan cad u ah mawaaqifta xilkasnimadu ka muuqato ee uu ka istaagi jiray wax walba oo ummadda khuseeya.

 In kasta oo caafimaadka sheekhu sanadahan danbe sii darsanayay, tabartiisuna sii daciifaysay haddana hammigiisu inuu sii weynaado mooyee ma sii yaraaneynin, maalinta la dili doonana wuxuu ku mashquulsanaa humuum la xidhiidha dacwada iyo islaaxinta umadda, gurigiisana wuxuu ku soo noqday salaaddii casar ee lagu dili doono wax yar ka hor. 

Walaalihii kulamada kala qayb galay maalintii jimcaha 16/2/2013 ee nolosha sheekh ugu danbeysay waxay sheegeen in sheekhu si weyn uga murugeysnaa diin cay aan deegaanka laga aqoon jirin oo soo kordhay, waxayna sheegeen inuu sheekhu u sheegay inuu rabo inuu arrintaas kulan kala yeesho madaxda puntland oo uu doonayo inuu u sheego in arrintaas wax ka qabadkeeda waajib ka saaranyahay lagana rabo inay soo saaraan xeerar arrintaas wax lagaga qabanyo, si ayna afxumadaasi ( diin xumadaasi)bulshada ugu dhex faafin. 

Hammigaas sheekha ku taagnaa waa laga sheegay madashii xabaashiisa, sidoo kale kulan ay culimadii aaska sheekha ka qayb gashay la yeesheen madaxweynaha maamulka puntland way kala hadleen inu uu wax ka qabto afxumadaas diinta loola badheedhayo ee uu sheekhu doonayay inuu soo gaadhsiiyo si ay maamul ahaan wax uga qabtaan,ragga kulankaas ka qayb galayna waxay sheegeen in madaxweynugu ballan qaaday inuu arrintaas wax ka qabto. 

Hammigas sheekhu alle ha u naxariistee uu la god galay isaga oo ay ku weyntahay in uu wax ka qabto, waxaa laga yaabaa in aanu dad badan culeys ku haynin oo ay iska ag maraan maali walba dad ilaahay, diinta iyo rasuulka صلى الله عليه وسلمcaynaya Sheekhu alle ha u naxariistee qoys ballaadhan ayuu aabbe u ahaa oo u baahan inta qoys u baahanyahay, wuxuuna ahaa aabbe si fiican uga soo baxa xaqa qoyskiisu ku leeyahay, hase yeeshee wuxuu xanbaarsanaa hammi umadeed wuxuuna aaminsanaa in qoyskiisu ummad weyn ka mid yahay mustaqbalna la wadaago dhib iyo dheefna uu ku gowracanyahay waxa ummaddiisu mudato.

Sheekhu alle ha u naxariistee wuxuu ahaa waardiye gaadhka ka haya danaha ummadda oo ay ugu horreyso diintu, wuxuu ku farxi jiray wax walba oo wanaag ah oo umadda u soo kordha wuxuu jeclaa in la sii badiyo, wuxuuna ka xanuunsan jiray wax walba oo ka nusqaama wuxuuna jeclaa inuu ku dadaalo sidii loo sixi lahaa wixii khaldama loona dhammeystiri lahaa wixii is dhima.

Dadka dilay sheekh C/qaadir alle ha u naxariistee waxay ogaayeen in sheekhu yahay isha u soo jeedda umadda ee u taagan ka hortagga wixii khatar ku ah, sidoo kale waxy ogaayeen in culimada sheekhu ka mid ahaa ee qaar kood la laayay qaarka kalena loo soo gaatamayo ay yihiin xannib ku gudban shirqoolada umadda lala maagganyahay, sidoo kale waxay ogaayeen in ay mustaxiil tahayin lagu qanciyo mashaariic halis ku ah umadda iyo diinteeda, sidaas darteed waxay ku talo galeen in la rido indhaha bulshadu wax ka arkeyso, lagana takhaluso dareenka soo jeeda, si wixii la doono umadda loogu sameeyo. 

Dadka dilay sheekh C/qaadir iyo culimadii ka horreysay waxay ujeeddadoodu tahay in la gumaado dadka hammiga umaddu ku weynyahay si ay u soo hadhaan dad hammigoodu yahay maxaan cunaa maxaan cabbaa oo koob shaah la siisan karo, waxaase ilaahay mahaddii ah in meesha taladaas lagu maleegay ilaahay arkayay uuna ku filanyahay fashilinteeda, ilaahay baana ku mahadsan inaanu umaddan ka dhigin mid u gablanta qof laga dilay, soomaaliduna waxay horay u tidhi hangaraarac lug uma dhutiyo, cadowga umaddana waxaan ugu bishaareyneyaa in culimada dilay ay cidii dhaxli laheyd ka tageen umadduna ayna baylah aheyn.

W/Q Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim
(Abu Xasaan)

2 Comments so far

Leave a comment

  1. sh alahu unaharisto aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaammmmmmmmmmmmmmmiiiiiiiiiiiiiiiiiiinnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnn

  2. jasaakalaahu khayraa shiikh run ayaad sheegtay shiikh c/qaadir wuxuu aha nin hamigisu yahay hami aakhiro iyo badbadinta alle anagaaoo cidna taskiyeynayn laakiin waanu u qirayn ilaahay haw naxariiisto shiikh janatul firdawsa ha galiyo

Leave a comment

*