Khudbo Jimcihii uu Sh Maxamed Idirs ka jeediyey Masjidka Towfiiq ee magaalada Oslo.[Video]

February 9, 2013 - Written by

idrsOslo:-Shiikh Maxamed Idirs oo ka mid culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa uu khudbo Jimce ka jeediyey Masjidka Towfiiq ee magaalada Oslo isagoo Shiikhu uu si adag uga hadlay dhaqanka xun ee ah Tahriibka gaar ahaa dadka ciyaalkooda iyo haweenkooda oo jilicsan oranaya orda tahriib oo qaaradaha iskaga goosha ka dibna ay tuugadu iyo kooxaha mujrimiinta ah ay si ay doonaa ka yeelaan gabdhaha yar yar ee tahriibka soo gala.

Shiikh Maxamed Idirs Allaha dhowree ayaa ku waaniyey waalidiinta in ay alle ka baqaan oo aysan noqon kuwo ku sifoobo diyuusiin  ka dibna ku dhac danbi weyn oo maalinta qiyaamaha aysan shalaynin, Shiikh Maxamed Idirs ayaa waxaa uu khubadiisa ku sheegay in umadaha kale aysan marna dhici karin in caruurtooda iyo gabdhahooda , xaasaskooda ay ku biimeeyaan Tahriib iyo safaro.

Hoos Ka Dhagayso Khudbo Jimcihii uu Sh Maxamed Idirs ka jeediyey Masjidka Towfiiq ee magaalada Oslo


Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. allow ajar laso koobi karin kasi shiekha

  2. Ilaahay ajar iyo xasanaat ha siiyo sheikh maxamed Idriis, waa hubaal in loo baahan-yahay in laga qiiroodo dhibaatada haysata dadkeena gaar ahaan acraada Soomaaliyeed. Rabiyoow Soomaali soo uruuri oo walaalee oo dhulkayaga barwaaqo iyo amaan ceegaagan nooga yeel.

Leave a comment

*