Madaxawaynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ku soo laabtay

February 8, 2013 - Written by

Madaxda_DFSMuqdisho:-Madaxawaynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho ka dib markii uu socdaal shaqo ku soo maray wadamada dhowr ah.

Madaxweynaha DFS ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey  madaxda ugu sareysa DFS waxaana ka mid ahaa Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon iyo gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya Pro.Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari .

Madaxweynaha DFS ayaa saxaafada la hadlay markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde waxaana uu guul ku tilmaamay socdaalkii uu ku soo maray wadamada Ethiopia, Belgium,Britain iyo Masar.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Qaahira ee xaruunta dalka Masar waxaa uu ka qeyb galay shir ay isigu yimaadeen wadamada Islaamka kaas oo looga hadlayey arimo khuseeya Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online