Nadwo cilmiyeed lagu qabtay magaalada Boorama oo looga hadlay dilkii Sh C/qaadir Nuur
February 25, 2013 - Written byBoorame:-Waxaa lagu qabtay magaalada Boorama ee xarunta Gobalka Owdal Nadwo cilmiyeed looga hadlay dilkii foosha xumaa ee loo geystay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ay kooxda Al-Shabaab ku dileen gudaha Masjidka Bader ee magaalada Garoowe.
Nadwada ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne aad u balaaran waxaa ka mid ahaa culumadii ka soo qeyb gashay
1-Sheekh Yuusuf Adan oo kahadlay tilmaamaha khawaarijta iyo in ay muhiim ay tahay in dhinac looga soo wada jeesto
2-Sheekh Bashiir Ahmed Salaad oo aad ugu dheeraday dhibka uu leeyahay dilka qof muslim ah Iyo waliba ujeedada ka danbeysa dilka culimada
3-Sheekh Maxamuud Abu Sheyba oo isna ka hadlay Culimada in lagu xidhnaado lana foojignaado afkaarta Khawaarijta .
4-Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jowhar wuxuuna aad ugu mahad naqay culimada soo booqatay waxa kale oo uu tilmaamay in la isku xidhnaado lagana hortago fikirka Khawaarijta ee aan umada waxba reebayn
no images were found
Waxgaradka iyo Isimada gobalka Owdal ayaa aad u soo dhaweeyey culumada socdaalka dacwada ku soo gaaray magaalada Boorama waxaana ay ugu baaqeen culumada in ay wadaan wacyi galinta
Halgan.net
Boorame