Nadwo cilmiyeed lagu qabtay magaalada Boorama oo looga hadlay dilkii Sh C/qaadir Nuur
February 25, 2013 - Written by
Boorame:-Waxaa lagu qabtay magaalada Boorama ee xarunta Gobalka Owdal Nadwo cilmiyeed looga hadlay dilkii foosha xumaa ee loo geystay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ay kooxda Al-Shabaab ku dileen gudaha Masjidka Bader ee magaalada Garoowe.
Nadwada ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne aad u balaaran waxaa ka mid ahaa culumadii ka soo qeyb gashay
1-Sheekh Yuusuf Adan oo kahadlay tilmaamaha khawaarijta iyo in ay muhiim ay tahay in dhinac looga soo wada jeesto
2-Sheekh Bashiir Ahmed Salaad oo aad ugu dheeraday dhibka uu leeyahay dilka qof muslim ah Iyo waliba ujeedada ka danbeysa dilka culimada
3-Sheekh Maxamuud Abu Sheyba oo isna ka hadlay Culimada in lagu xidhnaado lana foojignaado afkaarta Khawaarijta .
4-Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jowhar wuxuuna aad ugu mahad naqay culimada soo booqatay waxa kale oo uu tilmaamay in la isku xidhnaado lagana hortago fikirka Khawaarijta ee aan umada waxba reebayn[nggallery id=414]
Waxgaradka iyo Isimada gobalka Owdal ayaa aad u soo dhaweeyey culumada socdaalka dacwada ku soo gaaray magaalada Boorama waxaana ay ugu baaqeen culumada in ay wadaan wacyi galinta
Halgan.net
Boorame

.gif)

