Nadwo diini oo caawa ka dhacaysa Masaajidka weyn ee Jaamic Al- huda ee magaalada Hargeysa

February 28, 2013 - Written by

DSC01669Hargeysa :-Waxa  caawa oo jimce ah ka dhacaysa Masaajidka wayn ee jaamic AL- HUDA ee xafada kaalinta sideedaad ka qabsoomi doonta NADWO cilmiyeed diini oo ay ka qayb gali doonaa culimo iyo ducaad ku sugan Hargeysa , Nadwada ayaa waxaa cinwaan looga dhigayy(مدخل الشيطان إلي قلب الإنسان)  Nadwo cilmiyeedka diiniga ee ka dhici doonta caawa magaalada hargeysa ayaa wxaa muxaadaraad iyo towjiihaad ka jeedin doono Sh Cabdi Qani Aw-saalax iyo Sh DrBashiir axmed Salaad.

Nadwada ayaa waxaa ay si toos u bilaaban doontaa salaad Makhrib ka dib waxayna ka dhici doontaa Masaajidka wayn ee jaamic AL- HUDA, magaalada hargeysa ayaa waxaa hadda ku sugan culimo fara badan oo qaarkood ay ka qayb galeen aaskii sh cabduqaadir Nuur Faarax waxaan uga socoda kulamo gooni gooni oo ay uga tashanayaan siddii loo xoojin lahaa dacwada iyo siddii looga hortagi lahaa dadka cadawga ah ee doonaya in ay dumiyaan diinta iyo ehelkeeda.

Dhinac  kale degaanada Puntlland iyo S/lland ayaa waxaa culimada iyo ducaada ay wadaan olole xooggan iyo kulamo gooni gooni ah oo looga tashanayo siddi loo difaaci lahaa culimada soomaaliyeed ee ku sugan degaanadaas iyo kuwa kale ee ku nool meelaha kale arrinkaan ayaa bilaabatay ilaa markii ay kooxda Al-shabaab ay dil fool xun ugu geysteen magaalada Garoowe gaar ahaan Masjidka Badar isagoo salaad Casar tukanaya Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax  Alaha u naxariistee.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online