Ra’iisal Wasaaraha oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka Booliska Soomaaliyeed

February 26, 2013 - Written by

DSC03743Muqdisho:-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa maanta kulan balaaran kula qaatay xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed (Commanda Bolisiya) saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Ra’iisal Wasaaraha ayaa kulankan waxaa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed. Dhanka taliska Booliska waxaa goob joog ahaa taliyeyaasha guud, Abaanduulayaasha, taliyeyaasha qeybaha iyo kuwa saldhigyada degmooyinka.

 
“Waxaan idiinkaga mahadcelinayaa dib u soo celinta amniga caasimadda oo maanta aan oran karo waa markay ugu amniga wanaagsaneyd magaaladan Xamar tan iyo burburkii dalka,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu asaga oo xusay inuu ka war hayo duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan ciidanka Boolisku.

no images were found

 
Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhanka kale faray saraakiisha in xal loo helo fal dambiyeedka ay ka midka yihiin dhaca, dilka iyo kufsiga, isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiri.

 
“Gabar Soomaaliyeedbaa la kufsaday ninkii kufsadayna lama hayo, waa wax laga fiican yahay, qofbaa la dilay gacan ku dhiiglihiina lama hayo micnaheedu waa sharci ma jiro. Waxaan idin farayaa in dambiilayaasha la qabto mudnaantoodana la ma mariyo.

 
Ra’iisal Wasaaraha ayaa kula dardaarmay saraakiisha in kor loo sii qaado sugida amniga dalka, shacabka Soomaaliyeedna ay helaan ammaan buuxa si noloshu caadi ugu soo noqoto. “Waa in qofku amni ku helo gurigiisa iyo beertiisa kalsoonina ku noolaado.”. wuxuuna intaasi sii raaciyay “Si aad taasi u suurtagelisaan dowladdu wey idinla garab taagan tahay wixii taageero ah”.
 
Gabagabadii Ra’iisal Wasaaraha ayaa salaan ka qaatay kooxda Banbeyda, isaga oo kormeeray qeybaha kala duwan ee taliska.

 
—Dhamaad—
 

Garad Salad Hersi

Press officer
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online