Ra’iisul wasaaraha DFS oo canbaareeyey qaraxii ka dhacay Gaalkacyo
February 11, 2013 - Written byMuqdisho:-Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa waxaa canbaareeyey qaraxii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee lala beeg saday Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Puntland Gen.Muxyadiin Axmed Aw-musse. Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa waxaa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado in qaraxyo iyo dilal lala eegto dad shacab ah iyo masuuliyiintooda isagoo qaraxii maanta ku tilmaamay mid ay masuul ka yihiin ururka Al-shabaab
Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay in Al-shabaab ay dalka Soomaaliya ka wadaan weeraro iyo dilal fool xun oo aan wax faa’iido ah aan soo kordhin doonin. Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sidoo kale sheegay in dowllada Puntlland iyo shacabkooduba ay ka taageeri doonaa sidii ay amnigooda u sugi lahaayeen loogana hortagi lahaa weeraro uga yimaad ururka Al-shabaab. Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ku amaanaya dowllada Puntlland in ay ka shaqeeyeen sugida amaankooda ayna mudan yihiin in lagu taageero
Hadalka Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ku soo beegmay xili maanta qarax lala eegtay Taliye kuxigeenka ciidanka Booliska Puntland Gen.Muxyadiin Axmed Aw-musse walow uu qaraxaas ka bad baaday.
A/cawaale
Halgan.net