Ra’iisul wasaaraha DFS oo canbaareeyey qaraxii ka dhacay Gaalkacyo

February 11, 2013 - Written by

R_Wasaare_SaacidMuqdisho:-Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa waxaa canbaareeyey qaraxii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee lala beeg saday Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Puntland Gen.Muxyadiin Axmed Aw-musse. Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa waxaa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado in qaraxyo iyo dilal lala eegto dad shacab ah iyo masuuliyiintooda isagoo qaraxii maanta ku tilmaamay mid ay masuul ka yihiin ururka Al-shabaab

Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay in Al-shabaab ay dalka Soomaaliya ka wadaan weeraro iyo dilal fool xun oo aan wax faa’iido ah aan soo kordhin doonin. Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sidoo kale sheegay in dowllada Puntlland iyo shacabkooduba ay ka taageeri doonaa sidii ay amnigooda u sugi lahaayeen loogana hortagi lahaa weeraro uga yimaad ururka Al-shabaab. Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ku amaanaya dowllada Puntlland in ay ka shaqeeyeen sugida amaankooda  ayna mudan yihiin in lagu taageero

Hadalka  Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ku soo beegmay xili maanta qarax lala eegtay Taliye kuxigeenka ciidanka Booliska Puntland Gen.Muxyadiin Axmed Aw-musse walow uu qaraxaas ka bad baaday.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

238,718 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>