Ra’iisul Wasaaraha DFS oo hambalyo u diray ciidanka DFS oo la wareegay Buurhakabo
February 28, 2013 - Written byMuqdisho:-Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon ayaa hambalyo u diray ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ka dib markii ay kooxda ALShabaab ka saareen Degmada Buurhakabo Gobalka Baay wuxuuna Sheegay in ciidanka DFS ay isku fureen wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Baydhabo.
Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay in ciidanka DFS ay u hureen naftooda si ay dalka uga saaraan kooxaha Al-Qacida ee gabaadka ka dhigtay ayuu yiri Soomaaliya wuxuuna ciidanka ku booriyey in ay sii wadaan halgankooda.
Dhanka kale Ra’iisul Waaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sidoo kale sheegay in wadada iskuxirta magaalooyinka Jowhar iyo Beladweyne ay ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom isku furi doonaan dhawaan .
Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sidoo kale ka hadlay guulaha ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ka soo hoyeen gobalada Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe wuxuuna sheegay in ciidanka DFS ay dhawaan la wareegi doonaan Degmada Baraawe oo ay haatan ku sugan yihiin kooxda AL-Shabaab .
Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon ayaa rajo weyn ka muujiyey in ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay isku furi doonaan dhamaan wadooyinka gobalada Soomaaliya ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa shalay la wareegay gacan ku haynta Degmada Buurhakabo ee Gobalka Baay oo ah Degmo Muhiim ah.
A/Cawale
Halgan.net