Sh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu aasay qabuuraha Khayr seexay ee Garoowe

February 16, 2013 - Written by

1Garoowe:-Ilaahey ha u naxariistee Sheekh Cadulqaadir Nuur Faarax oo ka mid ahaa culumada cilmiga iyo da,da ugu weynaa Soomaaliya  oo shalay gelinkii dambe lagu dilay magaalada Garowe ayaa maanta lagu aasay qabuuraha Khayr seexay ee duleedka magaalada Garoowe ee xarunta Puntland . Sheekh C/qaadir Nuur Faarax raximahulaah lama soo koobi karo Taariikh nolaleedkiisii waxaa uu Sheekhu ku dhashay sannadkii 1940 ku dhashay duleedka degmada Eyl ee gobolka Nugaal, wuxuna heerka tacliin ka dhigtay magaalada Muqdisho isaga oo ka mid ahaa ardaydii ugu horraysay ee ka baxday mac-hadka Tadamun Al-islaami oo ku yaallay magalada Muqdisho sannadkii 1968.

[nggallery id=404]

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Raximahulaah ayaa waxbarasho jaamacadeed ku soo dhameeyey  dalka Sacuudi Arabiya wuxuuna ka qalin jebiyay kulliyadda Al-dacwa iyo usuulu-diin ee jaamacadda islaamiga ee Madiina sannadkii 1975. isaga oo noqday ardaygii ugu sareeyey Jaamacada .
Sheekh C/qaadir ayaa markii uu soo dhameystay Tacliintiisa sare waxaa uu dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho isaga oo bilaabay in uu faafiyo dacwada Islaamka waxaana markii danbe xiray dowladii dhexe ee uu hogaaminayey Madaxmed Siyaad Bare wuxuuna xabsiga ku jiray ku dhawaad 3sano .

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ayaa markii uu ka soo baxay xabsiga waxaa uu arkay dhamaan dhalinyaradii iyo ducaadii oo ku biiray Firqadii Takfiirka waxaa uu kala hortagay dacwo iyo waano isaga oo qaar ka mid ah la galay munaadaro culus waxaana fikirkaas ka soo noqday intii badneyd ducaada.

Aaska sheekha ee maanta waxaa ka qaybgalay wafdiyo ka kala socda DFS, masuuliyiinta sare ee Puntland iyo culimaa’udiin ka kala yimid magaalooyinka Muqdisho, Hargaysa, Bosaoso, Laascanod iyo daafaha dunida oo dhan  .Allah ha u naraxiistee Sh. Cabdulqaadir wuxuu ifka kaga tegay sagaal carruur ah oo  7 wiil iyo 2 gabdhood.

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax raximahulaah waxaa loo dilay cadeynta xaqa iyo sida uu u diidanaa Fikirka Munxarifka ah ee baneysanaya dhiiga muslinka iyo culumada waxaana lagu xasuusan doonaa Sheekh C/qaadir Nuur Faarax geesinimada iyo kartida uu mar walba muujin jiray isaga oo cadeyn jiray Fikirka Khawaarijta ee maanta lagu saladay Umada Muslinka ah.

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta Masawirada iyo codadka Culumada oo kalimado ka jeedshay aaska Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Raximahulaah  hadii alle idimo

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online