Sh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu aasay qabuuraha Khayr seexay ee Garoowe

February 16, 2013 - Written by

1Garoowe:-Ilaahey ha u naxariistee Sheekh Cadulqaadir Nuur Faarax oo ka mid ahaa culumada cilmiga iyo da,da ugu weynaa Soomaaliya  oo shalay gelinkii dambe lagu dilay magaalada Garowe ayaa maanta lagu aasay qabuuraha Khayr seexay ee duleedka magaalada Garoowe ee xarunta Puntland . Sheekh C/qaadir Nuur Faarax raximahulaah lama soo koobi karo Taariikh nolaleedkiisii waxaa uu Sheekhu ku dhashay sannadkii 1940 ku dhashay duleedka degmada Eyl ee gobolka Nugaal, wuxuna heerka tacliin ka dhigtay magaalada Muqdisho isaga oo ka mid ahaa ardaydii ugu horraysay ee ka baxday mac-hadka Tadamun Al-islaami oo ku yaallay magalada Muqdisho sannadkii 1968.

no images were found

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Raximahulaah ayaa waxbarasho jaamacadeed ku soo dhameeyey  dalka Sacuudi Arabiya wuxuuna ka qalin jebiyay kulliyadda Al-dacwa iyo usuulu-diin ee jaamacadda islaamiga ee Madiina sannadkii 1975. isaga oo noqday ardaygii ugu sareeyey Jaamacada .
Sheekh C/qaadir ayaa markii uu soo dhameystay Tacliintiisa sare waxaa uu dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho isaga oo bilaabay in uu faafiyo dacwada Islaamka waxaana markii danbe xiray dowladii dhexe ee uu hogaaminayey Madaxmed Siyaad Bare wuxuuna xabsiga ku jiray ku dhawaad 3sano .

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ayaa markii uu ka soo baxay xabsiga waxaa uu arkay dhamaan dhalinyaradii iyo ducaadii oo ku biiray Firqadii Takfiirka waxaa uu kala hortagay dacwo iyo waano isaga oo qaar ka mid ah la galay munaadaro culus waxaana fikirkaas ka soo noqday intii badneyd ducaada.

Aaska sheekha ee maanta waxaa ka qaybgalay wafdiyo ka kala socda DFS, masuuliyiinta sare ee Puntland iyo culimaa’udiin ka kala yimid magaalooyinka Muqdisho, Hargaysa, Bosaoso, Laascanod iyo daafaha dunida oo dhan  .Allah ha u naraxiistee Sh. Cabdulqaadir wuxuu ifka kaga tegay sagaal carruur ah oo  7 wiil iyo 2 gabdhood.

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax raximahulaah waxaa loo dilay cadeynta xaqa iyo sida uu u diidanaa Fikirka Munxarifka ah ee baneysanaya dhiiga muslinka iyo culumada waxaana lagu xasuusan doonaa Sheekh C/qaadir Nuur Faarax geesinimada iyo kartida uu mar walba muujin jiray isaga oo cadeyn jiray Fikirka Khawaarijta ee maanta lagu saladay Umada Muslinka ah.

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta Masawirada iyo codadka Culumada oo kalimado ka jeedshay aaska Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Raximahulaah  hadii alle idimo

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

12 Comments so far

Leave a comment

  1. aslamu caleykum waraxamutlaah
    inaa lilaah waa inaa ileyhi rajucun shikhuna fadal shiikh c/qadir nur farax ala u naxriista qeyerbadan wuu ka tagay iyo dadbadan oo wax ka dhageystay waxaan ku xusustaa masjidkii ceel hendi ee maglada muqdisha beri samadkii alaha no so ciliyee iyo kaitabkii saxiix muslimka ahaa an xoga ka dhegeysaty iyo dacwadisii farah badneyd alow ka abaal mari misanka xasnadkna usar anaga alow diinta nagu sug iyo xaqa intaan kala kulmeyo nagana towba aqabal inka anta tawabu raxiim gacantii dishayna mid ka faa idey maha dadkana alaha ka qabto ku wasoo kale
    wabilahi towfiq xasbuna laha wanicam wakiil

  2. Inaa LiLaahi wa inaa Ilaahi Raajacuun. Gacanka xaq daran ayaa dishay isagoo salaad casar masaajid dhexdiisa ku tukanaya.Ilaahoow Janadii Firdawsa ahayd gali, samir iyo imaana kasii ehelkiisii iyo dhamaan ummada muslimka ah.Aamin

  3. inaalillaah wa ina ileyhi raajicuun illaahey ha,unaxariisto sheekhena shekh c/qaadir nuur faraX AAMIIN ILAAHEY QABRIGA HA,UGA DHIGO ROWDAL MIN RIYAADHUL JANNAH AAMIIN

  4. allah u naxariisto sheikh cabdulqaadir nuur faarax ilaahya ha inoo bar barbaarsho culimo kale ooinoo badasho asaga kasii juhdi badan..

  5. الله يرحمه ,, القلب ليحزن ولكن الغريب المجرم الذي لم يراع لا حرمة مسجد ولا هذا الانسان الواقف بين يدي الخالق ولا كبر سن ولا علم ,,, لم يراعو أدنى شيئ ولم يستحوا خالق الكون لازم يعاقب هؤلاء المجرمين عقابا عسيرا لأنه لا ينفع كل يوم عالم وراء عالم وراء عالم وهكذا يصطادون علماؤنا من سيبقى اذا لم يقف كل الصوماليين ضد هذه العصابة المجرمة قبل فوات الان

  6. INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN ILAAH HA UNAXARIISTO SHEEQ QABDUQAADIR NUUR FAARAX ILAAH HAUNAXARIISTO GACAN KAXAQDARANAA DISHAY ILAAH JANADATUL FIRDOOWSA HAGEEYO QABRIGANA ALAHA UWAASICIYO WAXAANA UTACSIYEEYNAA DHAMAAN UMADA MUSLIMIITA OOKA DAMQATAY DHAN DILKA SHEEQA QAAS AHAAN EHELKA IYO QARAABADA UU KAGEERIYOODAY ILAAH WAXAAN KABAR YAA KUWA BANEEYSTAY DILKA CULAMADA IN UU ILAAH NAARTA KUFAGEEYO ADUUN KU KASHIFO AAQIRA KUCADAABO INSHAA ALAAH WAXANA IGA DAR DAARAN AH QOFWALBO OO MUSLIM AH IN UU CULIMADA DIFAACO AYAGAA WATO DHAXALKA NABIYADA MADAXDANA KASHARAFBADAN

  7. allaahu akbar kumanaan riyoon sh cabdiqaadir ayaa xabad u dhiman doono lakiin allaah waxuu qadaraan lacelin karin somali walle halaag baa u usugnaaday intay saan tahay cajiib murugo kawayn shaikh calima haladilo iyada oo aysan dawladii shucuga ahayd aysan meesha joogin ee wagi culimada layn jirtay allaahu akbar allaaah janatul fardawso hageeyo walee tariiq baa qormayso

  8. Allah ha u naxariisto sheekh C/Qadir Nuur Faarax khayrbaan ku naqaanay allah na isaga ayaa naga yaqaan ee Janatul-Ferdowsa allah ha geeyo. Diin iyo cibaado ayaan ku baraney isla Diin iyo cibaado ayuuna ku dhintay.
    Sheekha waxaa loo dilay xaqqa uu dadka u iftiimin jiray iyo jacaylka uu Diinta iyo Muslimiinta u qabay.

  9. Alle s.w janadii firdowsa haka waraabiyo sheekha anagana ha na sugo oo kaalintiisii cid noo buuxisa hana siiyo ,
    waxaan kale oo Alle s.w ka baryaya in uu calaamo degdeg ah ka ifiyo cid kasta oo xalaashatay dhiiga muslimiinta oo u arka in ay janno ku gelayaa laynta dadkaas birimagaydada ah oo ay ugu horeeyaan shaydaan xasaan xuseen ,axmed godane ,ibrahin afghani iyo dhamaan intii talo muuqata iyo mid qarsoonba ka gaysatay dilkaasi iyo kuwa kale ee lagu beegsanayo dadka muslimiinta gaar ahaan culimada

  10. asc\ww
    waxaan uga tacsiyaynayaa geerida shiikheeni allah ha u naxriisto janatulfardowsana allaha ka waraabiyo umada muslimiinta oo dhan meel ay joogaan gaar ahaan umada soomaliyeed allah ha u naxariisto naxariistaiisa waasaca ah samir iyo bedelkhayr qabana allah ha inoogu bedelo walaalkeen wixii diliyna allah calamd ha ka muujiyo ay umada uga soocmaan waa khawaarij shaki iiga ma jiro allah ayaan la hortegayaa allah ha ka dhigo qofkii ugu danbeeyey shiikha oo ay ka dilaan muslimiinta xaqsheega ah iyo camada muslimiinta allahuma aamiin wsc\ww

  11. Ilaahey ha u naxariistee Sheekh Cadulqaadir Nuur Faarax heladii uu ka geeriyoodayna samir iyo imaan ilaah haka siiyo sheekha waa naga wada geeriyooday ilaah waxaan kabaryayaay janatal fordooso amiin

  12. ALLAAAHA u naxariistee sheekh jalil sh.Dr.abdulkadir nuur farah ALLAAHA u naxariisto dhamaan shacabi waynaha soomaliyeed ,reer budhland iyo dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuumku inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun ALLOOW kuu naxariiso samir iyo imaan ayan uga b aryaay eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoday sh.jaliil sh.Dr.abdiqadir nour farah
    inaa lilaahi wa inaa ilayhio raaji cuun

Leave a comment

*