Sheekh C/qaadir ma gablamin W/Q Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim (Abu Xasaan)
February 21, 2013 - Written by
Cadowga qorsheeyay in la dilo sheekh C/qaadir nuur faarax alle ha u naxariistee uma aanu dilin hanti iyo dhaqaale uu lahaa oo lagu xasdayay, umana dilin madaxnimo iyo kursi uu haysaty oo laga qaadanayay, sidoo kale looma dilin in uu haystay awood ciidan oo dadka dilayay halis ku aheyd, kuwa gacanta lahaa ee sheekha dilayna ma jirin qaan uu ka qabay iyo dhib uu ku hayay midna, hase yeeshee waxay u adeegayeen qoshayaal meel fog laga soo maleegay oo laga adeejiyay dad hawo indho tirtay oo garasho yari iyo jahli isugu darmadeen.
Sheekh C/qaadir alle ha u naxariistee waxaa loo dilay inuu bud dhige u ahaa dacwada kitaabka iyo sunnada iyo hirgalinta manhajkii salafka, waxaa la ogyahay inuu alle ha u naxariistee aasaas u ahaa la dagaallankii manhajka takfiirka ee soomaaliya soo galay 1977kii, sidoo kale waxaa la ogsoonyahay inuu waligiiba ahaa dhaabad adag oo ku gudban cid walba oo dacwadaas damacda in ay marin haabiso ama wax u dhinto.
Sheekh C/qaadir alle ha u naxariistee waxaa lagu ogaa inuu aqoonn xeel dheer u lahaa manhajka ahlusunnaha iyo manaahijta qolloocsan, sidaas darteed dadka dilay waxay ka duulayeen in ay adgtahay in la khalkhaliyo manhajka dacwada salafiga ah inta ay noolyihiin dad uu sheekhu ka mid yahay oo qaarkood horay loo dilay qaarkoodna loo gaatamayo gooddi iyo hanjabaadna lagu wado hadh iyo habeenba.
Sheekh C/qaadir alle ha u naxariistee waxaa lagu ogaa inuu ilaahay hibo u siiyay fasaaxo iyo aftahannimo uu si fiican ugu caddeeyo waxa uu aaminsanyahay,cid kasta oo isku dayda in ay baadil difaacdo ama hirgalisna sheekhu xujo iyo bayaanba wuu kaga adkaa isaga oo aan u baahanin gacan iyo qallafsanaan midna,dadka dilkiisa qorsheeyayna waxay u jeedeen in codka sheekha la aamusiiyo si manaahijta qalloocsan waddada loogu banneeyo.
Sheekh C/qaadir alle ha u naxariistee wuxuu saameyn weyn ku lahaa dhammaanba dadka ku xidhan dacwada salafiga ah dibad iyo gudoba erayga uu yidhaahdana culimo iyo caamaba aad baa loo qaddarin jiray, waxa uu ka digana waa laga digniin qaadan jiray masalada uu iftiimiyana si kalsooni leh ayaa loo qaadan jiray, dadka sheekha dilayna waxay u danleeyihiin in culimada caanka ah la khaarijiyo si dad aan wanaag hore lagu barinin oo danohooda u adeegaya minbarka loo soo saaro oo ay hogaamiyeyaal diineed u noqdaan, arrintaas oo culimo uu sheekhu ka mid yahay ay ku gubanyihiin.
Sheekh C/qaadir alle ha u naxariistee waxaa lagu yaqaannay geesinimo iyo dhiirranaan, waxaana caado u aheyd inuu la badheedho waxa uu qabo ciddii uu doonaba ha ka cadheysiiyee, sidaas darteed dadka dilkiisa qorsheeyay waxay ogaayeen inaanu cabsiin iyo cago jugleyn ku gaabsaneynin ama manhajka uu cimrigiisii soo galiyay uga tageynin ama uga weecaneynin.
Sheekha waxaa ku kalsoonaa dhammaanba dadka ku abtirsada dacwada salafiga ah rag iyo dumar, dhallinyaro iyo culimo waaweynba, dadka dilkiisa maleegayna waxay ogaayeen in dadka ay rabaan in la daba galo ayna kalsooni kasban karin inta ay noolyihiin culimo uu sheekh C/qaadir alle ha u naxariistee ka mid ahaa.
Sheekh C/qaadir alle ha u naxariistee waxaa loo dilay si loo gablamiyo dacwada salafiga ah ee maanta soomaali ilaahay ku galladay meel ay joogtaba,dacwadaasna waxaa laga toogtay tiir la is lahaa haddii uu dumo way dumeysaa, waxaase ilaahay mahaddiis ah in manhajka toosani( manhajka ahlusunnaha) aanu la dhimanin dadkii xanbaarsanaa, ee uu dhiiggooda ku sii tarmo.
Dhiigga sheekh C/qaadir iyo culimadii ka horreysayba wuxuu baraarujiyay dad badan oo beeni indho saabtay iyaga oo aan is ogeynna laga howl galiyay mashaariic lagu duminayo diinta iyo dadkeeda, sidoo kale wuxuu toosiyay dad badan oo baryo badan dadaalka dacwada gaabis ku ahaa ama dano adduun ku mashquulay.
Sheekh C/qaadir alle ha u naxaristee dadkii xilka kala wareegi lahaa isaga iyo culimada la ayniga ahba mar hore ayuu tabcay waxaana sharaf ugu filan in maanta culimada soomaali dhaxdeeda caanka ka ah ay ardaydiisii wada yihiin ama ay ardaydiisii wax ka sii barteen.
Sidaas dareteed cadowgii sheekha dilay ee shabaab soo adeejiyay waxaan leenahay ciil u dhinta dacwada aad ku talo gasheen inaad soo afjartaan way waari doontaa ilaahay idankii shirqoollo badan oo ilaa nabi muxamad صلى الله عليه وسلم la soo maleegayayna guul darro ayey ku dhammaadeen dacwaduna waligeed ma ayna waayin culimo u taagan mana waayi doonto sida xaddiiska saxiixa ah ku soo aroortay:
لاَ يَزَالُ طَائِفَةٌ مِنْ أُمَّتِي ظَاهِرِينَ حَتَّى يَأْتِيَهُمْ أَمْرُ اللهِ وَهُمْ ظَاهِرُونَ.
Xaddiiska bukhaari ayaa wariyay wuxuuna ku soo arooriyay baabka باب قَوْلِ النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم : لاَ تَزَالُ طَائِفَةٌ مِنْ أُمَّتِي ظَاهِرِينَ عَلَى الْحَقِّ يُقَاتِلُونَ وَهُمْ أَهْلُ الْعِلْمِ
Bal u fiirso fiqhiga bukhaari kooxdaas waligeed xaqa u taagan ee guuleysaneysa wuxuu tilmaamay in ay yihiin dadka cilmiga leh ( ahlu cilmiga) bal muxuu jaahil diinta u tari naftiiaba xal uma hayee?
Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu sheekha iyo culimadii ka horreysay ee gardarrada lagu laayayba u naxariisto, ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu culimada hadhay ee shirqoolka loo maleegayana uu ka difaaco cid walba oo shar la damacsan.. aamiin
W/Q Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim
(Abu Xasaan)

.gif)

