Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe

February 15, 2013 - Written by

Sh-CqaadirGaroowe:-War goor dhow soo gaaray Shabakada Wararka ee Halgan.net ayaa sheegaya in allaha u naxariistee Sh. C/qaadir Nuur Faarax oo ka mid ah Culumada ug waaweyn dalka Soomaaliya lagu dilay magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.  Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo ka mid ah culimada ugu waawayn dalka Soomaaliya,ayaa waxaa lagu dilay masjidka gudahiisa  sida warar hordhac ah ay nagu soo gaarayaan.

Ururka Al-Shabaab ayaa horey ugu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari Sh. Dr Ahmed Xaji C/raxmaan Raximahulaah waxaana fatwada lagu dilay culumada Ictisaam bixiyey Sheekh Xasaan Xusen ka dib markii uu ku xukmiyey in ay gaalo yihiin .

Dilka Sh.C/qaadir Nuur Faarax ayaa sidoo kale waxaa qeyb weyn ka qaatay warbaahinta iyo website taageera Ururka Al-Shabaab iyaga oo mar walba sheegi jiray in uu la shaqeysto Maamul rida ah kana soo horjeedo diinta Islaamka.

Halgan.net ayaa si faahfaahsan u soo gudbin doonta qaabka uu u dhacay dilka Sh.C/qaadir Nuur Faarax raximahulaah.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online