Sheekh Daahir Aw- Cabdi oo ka hadlay dilkii loo geystay Sh Cabduqaadir Nuur Faarax

February 15, 2013 - Written by

shdaahirGaroowe:-Shiikh Daahir Aw- Cabdi oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyeeyey dilkii foosha xumaa ee lagula kacay Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo maanta Salaadii Casar lagu dilay gudaha masjidka  Badar  xili uu ku gudo jiray Salaadii casar rakcadeedii 4aad . Sh Daahir Aw Cabdi  ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaaliyeed in ay ka hortagaan kuwa laynaya culimadii dalka Soomaaliya isagoo xusay in dilka caalimku uu yahay danbi weyn oo khatar ah.

Sh Daahir Aw-Cabdi ayaa sheegay in xaqa ay cadayn doonaa cidna aysan uga gaban doonin kuwa doonaya in ay aamusiyaan culimada xaqa sheegaysa, Sh Daahir Aw-Cabdi  ayaa si adag u sheegay in ay wadi doonaa  dariiqii lagu dilay Sheekh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, iyo Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax iyo culimadii kale ee lagu dilay dalka Soomaaliya.

Sh Daahir Aw-Cabdi ayaa sheegay in wiil yar oo Jaahil ah uu ahaa kii dilay Sh Cabduqaadir Nuur Faarax oo diinta faafinteed taariikh weyn ku lahaa dalka Soomaaliya waxaan uu sheekh ku tilmaaya in lagaaray waqtigii dadka shacabka ah ay ka toosi lahaayeen hurdadooda oo ay u bareeri lahaayeen kuwa laynaya culimadooda.

Sh Daahir Aw-Cabdi ayaa sheegay in Sh Cabduqaadir Nuur Faarax uu ahaa nin lagu yaqaan geesinimo xaqna aan la gaban mowqifkiisuna ahaa mid aan isbedelin,  Shiikh Daahir Aw-Cabdi oo ka mid ah culimada Soomaaliya ayaa ugu danbayn ugu baaqay in culimada Soomaali yeed ay xaq u sheegaan dadka Soomaaliyeed ayna ku dadaalaan faafinta diinta iyo Manhajka saxda ah ee Ahlusunaha.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online