Taariikh nololeedkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Raximahulaah oo kooban

February 18, 2013 - Written by

Sh-CqaadirSheekh C/qaadir nuur faarax alle ha u naxariistee wuxuu ku dhashay deegaanka canjeel taalo waa ee dagmada Ayl sanadkii 1940kii, wuxuuna quraanka ku bartay isla deegaankaas, ka dibna wuxuu waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo dhexeba ku qaatay mac-hadkii masaarida ee ku yaallay magaalada muqdisho, wuxuuna ka qalin jabiyay sanadkii 1967kii.

Xilligaas ka dib wuxuu sheekhu dugsigii sare ka billaabay Mac-hadkii Al tadaamun Al islaami ee ku yaallay magaalada muqdisho wuxuuna ka qalin jabiyay sanadkii 1970kii, ka dibna wuxuu sheekhu ku biiray jaamacadda islaamiga ah ee madiina wuxuuna ka qalin jabiyay sanadkii 1974kii wuxuuna takhasuskiisu ahaa kuliyadda dacwada iyo usuuha diinta

كلية الدعوة وأصول الين .

Intaas ka dib wuxuu sheekhu si buuxda ugu gacanbannaanaday ka dib markii uu waddanka ku soo noqday faafinta dacwada, wuxuuna duruus joogto ah ka billaabay masjidka ceel hindi iyo masjidka weheliya oo ku yaalla dagmada howl wadaag ee magaalada muqdisho, waxaana ka aflaxay ama wax ka bartay dad badan oo raad ku yeeshay dacwada, wuxuuna aabbe dhinaca cilmiga ugu yahay culimo badan oo bulshada soomaaliyeed dhexdeeda caan ka ah.

Sheekhu wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii ururukii al jamaaca al islaamiya oo ahaa ururkii ugu horreeyay ee salafi ah oo soomaaliya ka hirgala, ka dibna wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii Ururukii Al itixaad Al islaami ee u saldhigay dacwada salafiga ah ee soomaaliya, sidoo kale wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii ururka al ictisaam bilkitaab wassunnah, wuxuuna xubin joogta ah ka ahaa golaha shuurada ee ururka, sidoo kale wuxuu xubin firfircoon ka ahaa guddiga arrimaha cilmiga ah ee jamaacada alictisaam bilkitaab wasunnah, wuxuuna ka mid ahaa culimadii qortay manhajka diiniga ah ee jamaacada.

Sheekhu wuxuu caan ku ahaa bayaaninta xaqa cidii uu doonaba ha ka cadheysiiyee, wuxuuna kaalin muuqata oo mug leh ku lahaa ka hortaggii shuuciyadda iyo manhajka takfiirka ee soomaliya gilgilay 1977kii, xilligaas oo uuu xabsiga ka soo baxay isaga oo xidhnaa ilaa saddex sano,ilaahayna sheekha iyo saaxiibadiis wuxuu sabab uga dhigay in ay is hortaagaan manhajkaas qalloocsan ( munxarifka aha ) ilaa xad u qarsoomay xilliyadiisii danbe.

Sidoo kale wuxuu sheekhu mawaaqif cad cad ka lahaa dagaaladii uu galay Ururkii Al itixaad Al islaami wuxuuna kaalin muuqata ku lahaa in ururku dib uga noqdo jidkaas oo uu u jeedsado faafinta dacwada isaga oo bulshada heshiis la ah.

Sidoo kale wuxuu sheekhu mawaaqif cad cad oo la wada ogyahay ka qaatay burburkii ku dhacay dacwada salafiga ah ee ay horseedka ka ahaayeen dadkii ku baaqayay in la burburiyo ururada islaamiga ah ee u taagan faafinta dacwada, iyaga oo xujo ka dhiganayay in ururadaasi bidco yihiin, wuxuuna ka mid ahaa sheekhu dadkii sida fiican uga hortagay fikirkaas.

Sidoo kale wuxuu sheekhu mawaaqif muuqata ka istaagay qallooca ( inxiraafka dineed) ee uu soo keenay ururka al shabaab, wuxuuna si joogto ah uga digi jiriay dadka ashahaadanaya ee xaq darrada lagu leynayo iyada oo magac diineed la adeegsanayo, wuxuuna sheekhu meel walba ka caddeeyay inxiraafaadka diiniga ah ee uu faafinayo ururka al shabaab.

Sheekhu wuxuu mowqif lama illaawaan ah ka qaatay dhagaga adeygii sababta u noqday in mashruucii maxaakimtu si dhakhso ah u baabo’o wuxuuna soo jeediyay in maxaakimtu ay la heshiiyaan dowladda ku meel gaadhka ah iyo maamullada wadanka ka jira si loo baajiyo dhiig daata loona unko qarankii soomaaliyeed burburay iyada oo islaamiyiintu arrintaas qayb libaax ku leeyihiin.

Sheekhu wuxuu kaalin mug leh ku lahaa isku dayadii lagu doonayay in lagu baajiyo dhiig ka dhexdaata ururadii ka wada tirsanaa maxkamadihii islaamiga ahaa ee khilaafku soo dhexgalay,wuxuuna ka qaybqaatay shirarkii lagaga arrinsanayay sidii la isu waafajin lahaa garabyadii maxkamadaha islaamiga ah.

Sheekh C/qaadir alle ha u naxariistee waxaa isaga oo ku jira rakcaddii 3aad ee salaadda casar lagu dilay masjidka badar ee magaalada garoowe, waxaana sheekha dilay nin masjidka xagga danbe ka soo galay isaga oo kabihiisii qaba ka diban madaxa ayuu xabbad kaga dhuftay wax yar ka dibnu isla Masjidka dhexdiisa ayey naftu kaga baxday.

Ganku dhiiglihii sheekha dilay oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac Bile wuxuu isku dayay inuu orod ku baxsado hase yeeshee dadweynaha reer Garoowe ayaa eryaday ka dibna ilaahay mahaddii ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan ka dib markii uu saddex qof oo kale dhaawacay, waxaana caddaadatay in gacan ku dhiiglahaasi ka tirsanyahay ururka al shabaab oo horay u dilay alle ha u naxariistee Dr. Ahmed Xaaji  C/raxmaan, Dr. Maxamauud Cabdi ibraahim ( garweyne) Dr. Axmad c/laahi ( waayeel) Pro. Ibraahim Caddow Sheekh Abuukar Xuseen.Sheekh Maxamed Tahliil iyo culimo iyo waxgarad kale oo badan.

Sheekhu wuxuu ifka kaga tagay hal xaas iyo toban carruur ah oo toddobo ka mid ah wiilal yihiin saddexna gabdho yihiin.

Sheekha waxaan ilaahay uga baryeynaa inuu geeridiisa shahaado uga dhigo danbigiisana dhaafo jannadiisana galiyo, eheladii uu ka tagayna waxaan ilaahay uga baryeynaa inuu samir iyo iimaan siiyo. Aamiin

W/Q Xasan Maxamad Ibraahim
Halgan.net

Leave a comment

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online