Tacsi iyo Baaq Macalimiinta Jaamacadda Taibah, Jubail iyo ardayda Jaamacadda Al-Islaamiya ee Madiinah Al-Munawarah

February 15, 2013 - Written by

tacsiMadina:-Anaga oo ah macalimiinta Jaamacadda Taibah, Jubail iyo ardayda Jaamaacadda Al-Islaamiya ee Al-Madiinah Al-Munawarah, Saudi Arabia, waxaan uga tacsiyeeyneynaa Ummadda Soomaaliyeed, dhalinta dacwada iyo dhammaan eheladii Sheekh C/Qaadir Nuur Faarax, dilkii naxdinta lahaa ee loogaystay galabta isaga oo salaadii casar sujuudsan. Sheekh C/Qaadir Nuur Faarax wuxuu ahaa abeeha ruuxiga ah ee fidinta dacwada salafiga ah cumrigiisana ku dhameeyey u yeeridda iyo barida dacwada saxda ah muddo ku dhow konton sano.

Waxaan Rabbi naxariistiisa iyo dembi dhaaf u weydiinaynaa Sh. C/Qaadir Nuur Faarax. Waxaan kaloo Rabbi ka baryaynaa in dhagar qabaha iyo ciddii ku saacidayba ku jazeeyo ciqaabkay mudan yihiin iyo in Rabbi soo gacan geliyo cid kasta oo gacan ka geysatay dilkaan foosha xun,

Hoos ka Akhriso Tacsi tiiraanyo leh iyo baaq cambaareyn ka timid culumada iyo ardayda Jaamacahada dalka Sacuudiga

بسم الله الرحمن الرحيم

Tacsi tiiraanyo leh iyo baaq cambaareyn

إنا لله وإنا إليه راجعون. إن لله ما أعطي وله ما أخذ وكل شيء عنده بمقدار

  1. Anaga oo ah macalimiinta Jaamacadda Taibah, Jubail iyo ardayda Jaamaacadda Al-Islaamiya ee Al-Madiinah Al-Munawarah, Saudi Arabia, waxaan uga tacsiyeeyneynaa Ummadda Soomaaliyeed, dhalinta dacwada iyo dhammaan eheladii Sheekh C/Qaadir Nuur Faarax, dilkii naxdinta lahaa ee loogaystay galabta isaga oo salaadii casar sujuudsan. Sheekh C/Qaadir Nuur Faarax wuxuu ahaa abeeha ruuxiga ah ee fidinta dacwada salafiga ah cumrigiisana ku dhameeyey u yeeridda iyo barida dacwada saxda ah muddo ku dhow konton sano.
  2. Waxaan Rabbi naxariistiisa iyo dembi dhaaf u weydiinaynaa Sh. C/Qaadir Nuur Faarax. Waxaan kaloo Rabbi ka baryaynaa in dhagar qabaha iyo ciddii ku saacidayba ku jazeeyo ciqaabkay mudan yihiin iyo in Rabbi soo gacan geliyo cid kasta oo gacan ka geysatay dilkaan foosha xun.
  3. Waxaan si aan kala har lahayn u cambaaraynaynaa dilkaan foosha xur ee lagu beegsaday Caalimka weyn ee Ummada Soomaaliyeed. Dilkaan foosha xun oo daba joogay dilkii horey loogu geystay Dr. Axmed X. C/Raxmaan muddo hadda laga joogo sannad iyo 3 bilood.
  4. Waxaan ummada uga digeynaa fikirkan qaloocan ee beegsanaya waxgaradka, culimada iyo manhajka saxiixa ah.
  5. Waxaan ku baaqaynaa in Ummadda Soomaaliyeed meel ay joogaanba meel uga soo wada jeestaan fikirkan guran ee banaystay dhiiga biri ma geydada iyo culimadda indhaha ummadda u ah.
  6. Waxaan Ummada ugu baaqaynaa in ay meel uga soo wada jeestaan fawto beenaadka dhiigu ka da’ayo ee lagu banaysanayo dhiiga culimada, cuqaasha iyo dhamman biri ma geydada ummadda.
  7. Waxaan ku baaqaynaa in is kaashi, wada jir iyo dhammaan ummaddu in Rabbi kaga baqaan ilaashasada diintooda iyo ka fogaanshaha daadinta dhiiga muslimiinta.

Magacyada:

Macaliinta Jaamicadda Taibah (Madiinah)  iyo Jubail (Jubail)

  1. Dr. C/Raxmaan Sh. C/llaahi Cumar
  2. Dr. Maxamuud C/Raxmaan Maxamuud
  3. Dr. C/Salaam Ciise Salwe
  4. Dr. C/Qaadir Cadi Diiriye

Diktoorada iyo Ardada Jaamicah Al-Islaamiyah ee Madiinah

  1. Dr. Haaruun Sh. Xuseen Cabdi
  2. Dr. Aadan Sh. Cali Saalax
  3. Dr. Hassan C/Laahi Xade
  4. Dr. Hassan Cali Warsame
  5. Dr. Maxad Hasan Maxamed
  6. Dr. Faisal Maxamed Cali
  7. Dr. C/Casiis Cali Axmed
  8.  Dr. Yaxye Sayid Yuusuf
  9.  Dr. Cabdi-Xayi Deeq
  10.  Dr. Axmed Jaamac Mire
  11.  Sh. Daahir Maxamuud Nuur
  12.  Sh. C/Weli Axmed Muuse
  13.  Sh. Samatar Axmed Muuse
  14.  Sh. Khadar Xasan Axmed
  15.  Sh. Khadar Daahir Sulaymaan
  16.  Sh. Yaxye Cismaan Suufi
  17.  Sh. Xuseen Sh. Maxamed Khaliifah
  18.  Sh. Ibraahim Yuusuf Cabdi
  19.  Sh. Axmed Cabdi Xeefow
  20.  Sh. Maxamed Cabdi Cabdulle
  21.  Sh. Maxamed-Weli Mukhtaar Sayid
  22.  Sh. C/Casiis Sh. Cali Axmed
  23.  Sh. C/Fataax Xuseen Barre
  24.  Sh. Xasan Qaasim Cabey
  25.  Sh. Khadar Cabdi Biixi
  26.  Sh. C/laahi Xasan Ibraahim
  27.  Sh. C/Casiis Macalin Aadan
  28.  Sh. C/Wahaab Maxamed-Rashiid
  29.  Sh. Maxamed C/Weli
  30.  Sh. C/llaahi Xasan Xayle
  31.  Iyo dhammaan ardayda Jaamicada Islaamiya
  32.  Eng. Maxamed Muuse Maxamed (Jeddah)

Leave a comment

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online