Wafdigii culumada oo booqasho ku gaaray degaanka Beyra iyo Bursaalax

February 8, 2013 - Written by

Gaalkacyo:-Wafdi culimo ah oo maalmihii u danbeeyey safar dacwadeed ku kala bixinayey degaanada Puntlland ayaa safar ay uga  amba baxeen magaalada Gaalkacyo 27/01/2013 waxay ku gaareen Beyra iyo Bursaalax Wafdiga culimada ayaa waxaa kulan gaar ah kula  yeesheen magaalada Beyra ducaadda, odayaasha iyo maamulka magaalada, wuxuuna kala hadlay masuuliyadda diinta ee Ilaahay dusha ka saaray dadka muslimiinta ah gaar ahaan dadka saamaynta ku leh bulshada, sida: madaxda, oday-dhaqameedka, maalqabeenka iyo culumada. Si gaara wafdigu wuxuu u tilmaamay in la dhaqanceliyo dhalinyarada farabaxday, loona diyaariyo inay kaalin ku yeeshaan hirgalinta diinta iyo horumarinta bulshada.

Kulankaas oo ay goobjoog ka ahaayeen Sheekh Bilaal Caad Godogodo iyo Cumar Aadan Sheekhdoon oo labaduba ka mida ducaadda deegaanka, iyo duqa magaalada C/raxmaan Cabdul Maxamuud Gurey, nabadoono, ganacsato iyo waxgarad kale, waxaana kulankaas lagu guddoonsaday in loo koco faafinta diinta iyo badbaadinta ummadda. Odayaashu waxay u mahadceliyeen una duceeyeen culumada.

Magaalada Beyra oo ah magaalo qadiim ah oo taariikh dheer leh waxaa ku yaal masaajid, malcaamado iyo iskool heer dugsi dhexe ah, waxaana jooga culumo iyo ducaad kaalin weyn ka qaata faafinta dacwada iyo wacyigalinta bulshada, waxayna u baahantahay in bulshadu xilkaas wada qaado.

Booqashadii Bursaalax

Intaa ka dib wafdigu wuxuu u ambabaxay dhinaca beesha Bursaalax oo ka mid ahayd magaalooyinka ugu muhiimsan oo wafdigu booqday, culumaduna waxay kalimado ka jeediyeen masjidka Abuubakar, waxayna kulan la yeesheen culumada iyo ducaadda magaalada, ka dibna waxay kulan ballaaran la qaateen xulka bulshada magaalada oo isugu jira odayaasha dhaqanka, maamulka magaalada, culumada, ganacsatada iyo aqoonyahanka, waxaana si qotodheer looga wada hadlay masuuliyadda dadka hoggaanka ah  u hayaan ummadda, siyaabaha ugu habboon ee ay u gudan karaan  iyo dhinacyada ay tahay in xoogga la saaro. Si gaara wafdigu wuxuu waxgaradka magaalada ugu soo jeediyey in la furo mac-had diini ah oo heer dugsi sare ah.

Kulanka oo aad loo soo agaasimay, laguna qabtay hoolka shirarka beesha Bursaalax ayaa waxaa ka soo qaybgalay duqa magaalada Nuur Cabdi Cali yare, madaxa mashruuca horumarinta beesha Bursaalax Burhaan Max’ed Xasan Calixaashi, culumo ay ka midyihiin Sh. Muuse yuusuf Xaaji, Sh. Axmed Khalaf Siciid (Rafle), Sh. C/aadir Khaliif Diiriye (Uurbarwaaqo), ganacsato ay ka midyihiin Macalin Cumar Axmed Muuse iyo Cumar Aadan Shiikhdoon. Waxaa kale oo goobjoog ahaa nabadoonada beesha oo ay ka mid ahaayeen Cabdi Xuseen Ismaaciil (Shuke), Cismaan Daahir Barkhadle, C/xakiin Axmed Samatar, Jaamac Abshir Faroole, C/risaaq Maxamed Cabdi iyo Caydaruus Diiriye Xasan.

Waxgaradka magaalada oo isku duuban ayaa culumada uga mahadceliyey talooyinka walaalnimo ee ay usoo jeediyeen, waxayna si wadajira u go’aansadeen inay u istaagaan hirgalinta mac-hadka, waxayna isla fadhigiiba ku magacaabeen guddigii hawshaas qaban lahaa oo uu xubin sharaf ka yahay Caaqil C/wahaab Maxamuud gurey, waxaana lagu yaboohay dhulkii mac-hadka laga dhisi lahaa.

Magaalada Bursaalax oo horay looga hirgaliyey waxbarasho ilaa heer dugsi sare ah oo bulshada deegaanku ka wada faa’iidaysatay iyo dugsi H/dhexe oo diini ah ayaa furitaanka Mac-hadka sharciga ah oo heer dugsi sare ahna wuxuu ku soo kordhin doonaa isbadal aqooneed iyo wacyi oo la taaban karo.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online