Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyey degmada Balidhidin iyo Taageer (Masawiro)

May 29, 2014 - Written by Editor

IMG_6470Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Wafti Balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta Si weyn loogu soo dhaweeyay Degmada Balidhidin iyo sidookale Deegaanka Taageer. Wafdiga uu Hogaaminayey Madaxwayne Cabdiwali Gaas waxaa kamid ahaa Masuuliyiin ka kala socday Labada Gole ee Dowlada Puntland,Waxgarad,Saraakil katirsan Ciidanka daraawiishta Puntland,Gudoomiyaha Gobolka Barri,Agaasimaha Guud ee Ciidamada Badda Puntland,Saraakil katirsan Madaxtooyada Puntland iyo Masuuliyiin Kale.

Ugu Horayn Madaxwaynaha iyo Waftigiisa ayaa waxaa ay gaareen Deegaanka Taageer,waxana halkaasi ku soo dhaweeyay Shacab fara badan oo u diyaarsanaa soo dhawaynta Madaxwaynaha Dowlada Puntland,iyagoona Watay Calanka Puntland iyo Sidookale Caleemo qoyan oo ay ku soo dhawaynayeen Wafdiga Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane. Cabdiwali Gaas.

Halku dhigyadii ay shacabka ku dhaqan Deegaanka Taager Madaxwaynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku soo dhawaynayeen,waxaa kamid ahaa ‘’Mudane Madaxwayne Soo dhawoow iyo Halku dhigyo kale.

Socod dheer kadib madaxwaynaha iyo Waftigiisu waxa ay gudaha u soo galeen Degmada Balidhidin ee gobolka Barri,waxana halkaasi ku diyaarsanaa dadwayne farabadan oo ka kala yimid xaafadaha ay ka koobantahay Degmadaasi, iyagoona si diiran u soo dhaweeyay Madaxwaynaha iyo Waftigiisi.

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa dhamaanba gacan qaaday dadkii soo dhawaynayay,intaasi kadibna waxaa la gudbiyay hoyga laga dajiyay Degmada Balidhidin.

no images were found

Intaan lagayn Madaxwaynaha halkii loogu talagalay in madaxwaynaha iyo waftigiisu ku qadeeyeen ayaa waxaa lageeyay aqal soomaali si qurux badan loo xardhay, isagoona madaxwaynuhu aqalkaasi gudaha u galay.

Meel Fagaare ah ayaa Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,waxa uu kula hadlayay dadkii ka qayb qaadanayay soo dhawayntii loo sameeyay,isagoona umahadceliyay dhamaan dadkaasi.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online