Madaxweynaha Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyey Degmada Ufayn ee gobolka Barri.(Masawiro)

May 30, 2014 - Written by Editor

IMG_7107Ufayn:-Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaasi ayaa Maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada Ufayn ee goblka Barri. Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa intii uusan soo gaarin Degmada Ufeyn ayaa waxaa uu kusoo hakaday deegaanka Timirshe oo isagan si weyn loogu soo dhaweeyey. Socdaalka Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr Cabdi wali Maxamed Cali Gaas waxaa ku wehliyay Wasiiro katirsan Xukuumada Puntland,Xildhibaano,Saraakil katirsan Ciidanka Puntland iyo Masuuliyiin kale.

Madawaynaha iyo Waftigiisa oo ka anababaxay Degmada Balidhidin ayaa ugu horay waxaa siwayn loogu soo dhaweeyay Deegaanka Timirshe,waxana ka qayb qaatay dadwayne tiro badan oo taagnaa Wadada hareeraheeda kuwaasi oo u diyaarsanaa soo dhawaynta Wafdiga Madaxwayne Gaas.

Intaas kadib ayaa Madaxwaynaha Dowlada Puntland iyo Waftigiisu waxa ay u soo gudbeen Degmada Ufeyn ee Gobolka Bari,waxana soo dhawayntooda ka qayb qaatay Maamulka Degmada Ufayn,Beeldaaje Cali Faarax,Waxgarad iyo Dadwaynaha degmadaasi.

‘’Hada waxaanu idiinku nimi aniga iyo Wafdigu inaanu idin soo booqano,inaad noo sheegtaan waxa qalbigiina ku jira wakhti badan ayaynu isu helaynaa inaynu iswaraysano;;Sidaasi waxaa yiri Madaxwayanaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.Ka hor intii aysan ka soo bixin Degmada Balidhidin Madaxwayanaha iyo Waftigiisa ayaa waxa ay ku guulaysteen in ay soo dhisaan Golaha Deeganka ee Degmadaasi,taasi oo uu siwayn uga shaqeeyay dhamaystirkeeda Wasiirka Maaliyada Puntland Shire Xaaji Faarax.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online