Sh Shakuul oo muxaadaro ka jeediyey Masjidka Al-hudaa ee Garoowe.[Masawiro]
May 29, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Sh Maxamed Ibrahim Shakuul oo ka mid ahaa wafdigii ka qayb galay xafladii caleema-saarka Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ee ka dhacday magaalada Qardho ayaa waxaa uu caawa muxaadaro ka jeediyey Masjidka weyn ee Al-hudaa ee magaaalada Garowe isagoo Sh.Shakuul uu muxaadaradiisa uu cinwaan uga dhigay Xoojinta Iimaanka. Sh Maxamed Ibrahim Shakuul ayaa intii uusan soo gaarin magaalada Garoowe ee caasmada Puntland waxaa uu muxaadaraad mu’salsal ah ka soo jeediyey Masjidka Cumar Ibnu Khadhaab ee magaalad Qardho.
Sheekh Maxamed Ibrahim Shakuul ayaa waxaa uu aad u faahfaahiyey oo uu tilmaamo ka bixiyey waxyaabaha xoojinkara Iimaanka qofka Muslinka ah. Muxaadarada Shiikh Shakuul ayaa waxaa ka soo qayb galay shacabka reer Garoowe oo iskugu jira Waalidiin, Ganacsato, Macallimiin , Ardey iyo qaybo kale duwan ee bulshada. Sh Maxamed Shakuul ayaa waxaa uu tilmaamay qaabka qofka Muslinka ah uu u xoojin karo iimaankiisa isagoo xusay arrimahaan:-
1. Iimaanku inuu ku kordho ku xirnaanta alle hadba qofkaas inta ay u joogto, waxa uu sheekhu ku boorriyey shacabka reer Garowe in ay ku xirnaadaan ilaahii abuuray si uu u xoogganaado iimaankooda.
2. Waxa sheekhu tilmaamay in uu iimaanku ku xoogganaan karaa qofku inuu ku xirnaado diinta Isla markaasna uu xoogga saaro arrimaha wanaagsan oo ay ka mid yihin:-
1. Sadaqada oo la baxdo.
2. Agoonta inaad waxa siiso.
3. Masaakiinta inaad wax tarto.
4. Soo booqashada qubuuraha iyo isbitaallada.
Sidoo kale sheeku waxa uu ku tilmaamay waxyaabaha daciifiya iimaanka inay yihiin:-
1. Cilmi darro ( jahli)
2. Qofku inuu macaasi sameeyo.
3. In la sahlado waajibaadka, muxarramaadkana ka dhowrsan.
4. Saaxiibada uu qofku leeyahay: waxa ay ku leeyihiin saamey wayn oo haddu xunyahay saaxiibku iimaanka qofku hoos buu u dhacayaa, ilaahayna waxaa uu tilmaamay qofkaas inuu qiyaamada calaacali doono uuna dhihi doono ( (يا ليتني لم اتخذ فلانا خليلا
Gabagabadii Sh.C/qani Maxamed Qorone ayaa tacliiqiyey muxaadaraas soona gabagabeeyey.
no images were found
Xafiiska Mu’asasada
Al-Minhaaj Garowe