Wafdiga degmada Cadaado tegay ma ka mid ahaa Sh Bashiir Axmed Salaad.? [Dhagayso]

June 28, 2013 - Written by Editor

been-abuurkii-somali-memo1_0War maanta lagu daabacay mareegta Somalimemo.net ayaa waxaa lagu sheegay in Sh. Dr. Bashiir Axmed Salaad uu qayb ka ahaa  Wafdi ka kooban Xildhibaano , siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed safar ku gaaray degmada Cadaado oo uu ku sugan yahay Sh Xassan Daahir Aweys. Haddaba warka ay qoreen Somalimemo.net ayaa ah war aan sal iyo raad toona lahayn mana ah markii ugu horaysay oo mareegta Somalimemo.net iyo webab kale oo la fikri ah ay been abuur ka faafiyeen culimada Soomaaliyeed . Halkaan ka qoraalka Somalimemo  (Qoraalka wey ka saareen )

Haddaba si bulshada Soomaaliyeed aan uga shaafino warkaas xaqiiqdiisa ayaa waxaa xiriir la samaynaya caawa Sh. Dr.Bashiir Axmed Salaad waxaan wax ka wiidiinay halka uu ku sugan yahay  iyo in uu qayb ka yahay Wafdiga Dowllada Federaalka Soomaaliya ee maanta gaaray degmada Cadaado. Sh Bashiir Axmed Salaad ayaa noo sheegay in uu ku sugan yahay guriga uu ka degan yahay magaalada Hargeysa waxaan uu yimid maalmo ka hor inta aysan wafdigaa aaday degmada Cadaado aysan ka tegin magaalada  Muqdisho.

been-abuurkii-somali-memo1_0Sh.Dr. Bashiir Axmed Salaad ayaa safaro dhowr ah ku tegay degaano badan oo Soomaaliyeed isagoo ka jeediyey muxaadaraad iyo dursuus mana jiraan wax u diidaya in uu safar Dacwo ama umadda Maslaxadeeda uu ku gaaro degaano Soomaaliyeed  oo isagu ama beeshiisu ay degan tahay si wixii wanaag ah ama maslaxadooda ah uu ugu sheego , balse waxaa  wax laga xishood ah in lagu been abuurto Sh Bashiir Axmed Salaad lagana aamuso sababah uu Sh Xassan Daahir Aweys uga tegay degmada Baraawe iyo masuuliyiinta ka tirsanaa Al-shabaab oo la sheegay in la khaarajiyey.

Sheekh Dr.Bashiir Axmed Salaad iyo culimo badan oo Soomaali ah ayaa ilaa intii la abuuray Maxkamadaha  iyo ururadii ka danbeeyey ee hubeysnaa gaar ahaan Xisbul Islaam iyo ururka Al-shabaab u soo jeediyey talooyin fara badan balse talooyinkaas aan la qaadan waan tan maanta xaalka gaarsiisay meesha uu marayo.

Wafdiga maanta gaaray degmada Cadaado ayaa waxaa ka mid ah Sh.Cabduqaadir Cali Cumar, Yuusuf Siyaad Indha Cadde Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon , Saraakiil , Odayaal dhaqan  iyo waxgarad kale. Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa sheegay in Sheekh Xassan Daahir Aweys uu weli ku sugan yahay  Cadaado uuna kulamo gooni gooni ah la yeeshay Waxgaradka , Odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiinta maamulka Ximin iyo Xeeb.

Kulan ay odayaasha dhaqanka degmada Cadaado iyo maamulka Ximin iyo Xeeb la qaateen Sh. Xassan Daahir Aweys ayaan ilaa hadda wax natiijo ah aan ka soo bixin walow weli kulamo ay u socdaan rag siyaasiyiin ah oo Sh Xassan  Daahir Aweys ay isku beel yihiin.

been-abuurkii-somali-memoOdayaasha dhaqanka degmada Cadaado iyo masuuliyiinta maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa doonaya in xaalka Sh. Xassan Daahir Aweys talo laga geliyey beesha uu ka soo jeedo si talo midaysan oo xal ah dhaqso loo gaaro.

Hoos ka Dhagayso waraysiga kooban ee Sh Bashiir Axmed Salaad aan la yeelanay

[audio:https://halgan.net/Mp3/VN850033.mp3] Halkaan ka Dhagayso

M_M_Deeq

Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online