Been abuurka Somalimemo ay ka faafiyeen ururka Ictisaam oo laga daba tegay(Dhagayso waraysi Sh Axmed Cabdisamad)

August 23, 2012 - Written by

Shabakadda wararka Halgan.net ayaa dabagal ay ku sameysay maanta bayaan been abuur ah oo ay mareegta Somalimemo.net ay saaka bartooda Internetka ku faafisay  waxaa uu ahaa Bayaan ay ku sheegeen in jamaacada Ictisaam Bilkitaan Wal sunaha ay ka tacsiyeeyeen geeridii Ra’iisul wasaarihii dalka Itoobiya Meles Zenawi kana soo saareen Bayaan arrinkaas oo ah been abuur iyo buhtaan.

Waxaa cadeynaya Bayaanka in uu Been Abuur yahay meesha ay ka soo gooyeen bayaan ka been abuurka waxaa weeyey bayaan ay culimada ururka Icitsaam ay ugu tahniyey naysay markii Maxamed Mursi oo ah Madaxweynaha cusub ee dalka Masar uu ku guulaystay xukunka dalka Masar ka dib is xulufaysi ururada islaamiyiinta ah ee ka jira dalka Masar.

Bayaankaas ayaa waxay ka soo goosteen logada kore iyaga oo sawir ahaa u soo dhex dhigay qoraal ay word ay ku qoreen waxaana ay badaleen oo ay qoreen (Taariikhda , RefNo, iyadoo inta kale sawir ahaan loo soo goostay ama lagu sameeyey wax la yiraahdo Photoshopka ama Snapshot, qof kasta oo wax yar ka yaqaan Aalada IT-ga ayaa garan kara qaabka loo been abuuray bayaanka.

Shabakadda wararka Halgan.net oo xiriir la sameeysay Maktabka Iclaanka ee Xararkada Ictisaam oo ku sugan gudaha dalka soomaaliya ayaa u xaqiijiyey in arrinkaas uu yahay dhaqankii beenta ahaa ee lagu yaqaanay kuwa ku ibtilaysan beenta iyo wax ka sheega dadka culimada iyo Ahludiinka ah.

Hoos ka eeg  Banaanka ama Logo-da loo isticmaalay been abuurka  oo ahaa kii ay culimada Ictisaamku ugu tahniyeynayaan Madaxweynaha dalka Masar iyadoo  la bedelay.

 

 

Hoos ka eeg Banaanka ama Logo oo been abuurka ah  waxaad si wanaagsan u eegtaa  qaabka loogu qoray Taariikhda , Ref No iyo qaabka Log tiimbaraha loo dhex galiyey  waxaan kuu muuqan doona in Sawir ahaa loo soo goostay logada kore ee bayaanka xarakada Ictisaan ay u dirtay Maxamed Mursi


Waxaa kale oo Cadeynaya Bayaanka Been Abuur ka ay Faafisay Somali Memo.net  iyaga oo sawir ahaa u soo goostay Logada hoose iyo Magaca Sheekh Ahmed Cabdi Samed iyo saxiixa Sheekha  waxaana kuu muuqada madowga ku jira iyo farta jaalaha ee korka ka saaran Kalimada Sheekh .

Halkan ka eeg  bayaanka been abuurka ah oo PDF ah ka dibna si wanaagsan u eeg  waxaad arki doontaa qaabka loo soo goostay iyo madowaga ku jira iyo calaamada jaalaha ee ka muuqata kalimada Sheekh  Halkan ka eeg  ama Halkaan eeg Word ahaan.

Logada been Abuurka ay ka sameysay Somalimemo.net si fiican ugu fiirso waxaa arki doontaa madowga iyo jaalaha korsaaran kalimada Sheekh iyo calaamada afargees ah ee u dhexeysa Garowe- iyo Soomaaliya Halkaan ka eeg   Bayaankii xarakada Ictisaam ay u dirtay Madax weynaha Cusub ee dalka Masar markii uu ku guuleystay talada dalka Masar.Halkaan ka eeg

Shabakadda Somalimemo .net ma ah markii ugu horeysay oo ay been qayaxan ka faafiso culumada jamaacada ictisaam waxaana ka mid ahaa beenihii ay horay faafisay.

1-Been Abuur ay ka Faafisay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax iyaga oo sheegay in uu u mahad celiyey Mahiga iyo Beesha Caalamka Halkan ka eeg Beentii ay faafiyeen Sheekh C/qaadir Nuur Faarax

2-Waxaa sidoo kale ay been taas la mid ah ka faafisay Sheekh C/raxmaan Sheekh Claahi Cumar oo ka mid ah culumada soomaaliyeed  Halkan ka Akhriso Beentii ay ka Faafiyeen Dr C/Raxmaan .

3-Waxaa kale oo u danbeeyey beenaha ay Somali Memo.net culumada Soomaaliyeed been abuur lagu qoslo oo ay ka faafiyeen Sh. Maxamed Cabdi Umal iyaga oo sheegay in maalintii ciida ay ciidamada nabad sugida ee dalka Kenya ay waardiye ka hayeen Sheekh Maxamed Cabdi Umal Halkan ka eeg Beentii SomaliMemo ay ka Faafisay Sheekh Umal  ama Halkan PDF  Akhristo bal halkaan ka Daawo salaadii ciida ee uu tujiyey sh Umal Allaha xifdiyee  Halkaan ka fiirso Video Salaad ciid ee Sh Maxamed Cabdi Umal.

Akhristow waad aragtaa Bayaankii been abuurka ahaa oo ay faafisay Somalimemo.net hadaba maxay tahay ujeeda ka danbeysa faafinta beenta intaas le,eg maxaysa ka helayaan aduun iyo aakhiro  waxaa la gudboon in ay alle ka baqaan oo ka towbada keenaa iskana dayaan beenta ay ku wardiyaan har iyo habeen been cidna kaama celiso cidna wax uguma dhimi kartid Nabigeenii Maxamed ahaana wuxuu noo sheegay in ruuxa Muminka ah aan lagu aqoon been .

Sheekh Axmed Cabdisamed oo aan xiriir la samaynaya isagoo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa wax ka weydiinay bal wax ka jira bayaanka loo tiiriyeye in Jamaacada Ictisaam ay ugu tacsiyeynayso Meles Zanaawi Ra’iisul wasaarihii dhintay ee dalka Itoobiya Sheekh Axmedna  uu magaciisu ku saxiixan yahay. ??

Sheekh Axmed Cabdisamed ayaa ku jawaabay in bayaankaas uu yahay mid been abuur ah uusan jirin isagii la yiri waa ku saxiixan yahayna uu hadlayo, Sheekh Axmed Cabdisamad ayaa yiri xitaa ma jiro qof caadi ah oo xubin ka ah Ictisaam oo ka hadlay iska daa in Masuul ka tirsan Madaxda ururka Ictisaam ay ka hadleene.

Sheekh Axmed Cabdisamed ayaa tilmaamay in ay tahay wax aan lala yaabin in kuwii dilaya culimada iyo ducaada ama ku xukumay in ay yihiin gaalo ama Nabigeena Maxamed Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ka sheegaya been abuur hadana baneystay dhiigooda culumada aysan wax weyn la ahayn ay been ka sheegaan Ururka Al-Ictisaam .

Sheekh Axmed Cabdisamed ayaa sheegay in la yaqaan kuwa beenta qora kuwaas oo ku sugan wadamada Yurub iyo Maraykan  ayna dhaqan iyo diin u tahay been abuurka.

Sheekh Axmed Cabdisamed ayaa beenaha la faafiyey waxaa uu tusaale u soo qaatay in Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ku sugan magaalada  Nairobi sawirkiisa lagu soo dhajiyey in uu furay ciyaaro gobolo oo ka dhacay Garoowe  iyo in marlabaad la faafiyey in Mahiga iyo gaalo kale uu u mahadceliyey  Halkan ka Eeg Somalimemo .net oo markii beenta lagu qabtay cudurdaar siineysa Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Sheekha ayaa waxaa kale oo uu xusay been abuurkii dhawaan laga sameeyey Sh Dr .C/raxmaan Sheekh Claahi Cumar.

Sh.Axmed Cabdisamad ayaa is weydiiyey wax sababi kara in ururka Ictisaam ay soo saaraan Bayaan oo webabka ku fikri ah ama kuwa ay leeyihiin uusan ku soo bixin ama loo diray dowllada Itoobiya  aan lagu arag balse ay arrinkaas faafiyaan webab kale oo iyagu ururka Ictisaam culimadood been abuuro badan ka qoray waa su’aal is wiidiin weyn leh.

Hoos Ka Dhagayso waraysi aan la yeelanay Sh Axmed Cabdisamad

[audio:http://halgan.net/Mp3/Sh_Ahmed1.mp3]Ama Halkan MP3

Halgan.net

Leave a comment

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online