18 May oo si weyn looga xusay Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland (Daawo)
May 18, 2016 - Written by EditorHargeysa:-Waxaa maanta si weyn looga xusay 18 May magaalooyinka waaweyn ee Maamulka S/land oo ah markii Somaliland ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale,waxaana fagaarayaasha magaalooyinka waaweyn lagu arkayey Cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland oo socod gaada ka cayaar ah ku soo bandhigaya .
Ammaanka magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana magaalada Hargeysa laga sameeyay howlgalo amniga lagu sugayay iyadoo qaar ka mid ah wadooyinka la xiray .
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa khudbad dheer ka jeediya fagaaraha Khayriyada waxaana uu khudbadiisa uga hadlay arimo kala duwan .
Hoos ka Daawo Khudbadii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
Hoos ka Daawo Cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland ayaa socod gaada ka cayaar ah ku soo bandhigaya .
M_M Deeq
Halgan.net