Dadweyne ku dhaawacmay shalay banaanbax ka dhacay Laascaanood oo lagu daweynayo Isbitaalka Manhal
May 19, 2016 - Written by EditorLaascaanood:-Isbitaalka Manhal ee magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa lagu daweynayaa ugu yaraan saddex qof oo dhaawac kala duwan uu ka soo gaaray banaanbax rabshada watay oo looga soo horjeedo gooni isku taaga Somaliland oo ka dhacay xaafaddaha magaalada shalay oo ku beegnay 18 May oo ah maalintii la yagleelay maamulka Somaliland.
Dadweynaha banaanbax dhigayey ayaa iyagu diidanaa gooni isku taaga S/land oo mudo laga jooga 25 sano ka hor ku dhawaaqday in ay ka go’aan midowgii Soomaaliya, Ciidanka Booliska ee magaalada Laascaanood ayaa u adeegsaday rasaas nool nool dadweynihii banaanbax dhigayey taas oo sababtay in banaanbuxu isku rog mid rabshado wata.
Dr Abdimajiid Xuseen Sugulle ka howl gala Cusbitaalka Manhal ee magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa u sheegay saxaafadda in dhaawaca saddex qof oo ku dhaawacmay banaanbixi shalay ka dhacay Laascaanood ay ku daweynayaan Isbitaalka qaarkoodna ay qabaan dhaawacyo culus.
Dadka ku dhaawacmay banaanixii ka dhacay Laascaanood waxaa ka mid ah Ismaaciil C/Laahi Cawad oo ah nin dhalinyaro oo dhaaawac culus uu ka soo gaadhay dhinac wadnaha oo ay xabadi kaga dhacday wuxuuna ku jiraa xaalad khatar ah.
M_M_Deeq
Halgan.net