Dadweyne ku dhaawacmay shalay banaanbax ka dhacay Laascaanood oo lagu daweynayo Isbitaalka Manhal

May 19, 2016 - Written by Editor

daawacLaascaanood:-Isbitaalka Manhal ee magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa lagu daweynayaa ugu yaraan saddex qof oo dhaawac kala duwan uu ka soo gaaray banaanbax rabshada watay oo looga soo horjeedo gooni isku taaga Somaliland oo ka dhacay xaafaddaha magaalada shalay oo ku beegnay 18 May oo ah maalintii la yagleelay maamulka Somaliland.

Dadweynaha banaanbax dhigayey ayaa iyagu diidanaa gooni isku taaga S/land oo mudo laga jooga 25 sano ka hor ku dhawaaqday in ay ka go’aan midowgii Soomaaliya, Ciidanka Booliska ee magaalada Laascaanood ayaa u adeegsaday rasaas nool nool dadweynihii banaanbax dhigayey taas oo sababtay in banaanbuxu isku rog mid rabshado wata.

Dr Abdimajiid Xuseen Sugulle ka howl gala Cusbitaalka Manhal ee magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa u sheegay saxaafadda in dhaawaca saddex qof oo ku dhaawacmay banaanbixi shalay ka dhacay Laascaanood ay ku daweynayaan Isbitaalka qaarkoodna ay qabaan dhaawacyo culus.

Dadka ku dhaawacmay banaanixii ka dhacay Laascaanood waxaa ka mid ah Ismaaciil C/Laahi Cawad oo ah nin dhalinyaro oo dhaaawac culus uu ka soo gaadhay dhinac wadnaha oo ay xabadi kaga dhacday wuxuuna ku jiraa xaalad khatar ah.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online