Dawro loo soo gabgabeeyey Macaliiminta Qur’aanka ee Laascaanood (Masawiro)

May 8, 2016 - Written by Editor

13151707_1004362989654524_3720285088452061330_nLaascaanood:-Tababar loo qabtay imacalimiinta Dugsiyada Qur’aanka kariimka ah ee magaalada Laascaanood ayaa waxaa uu ka mid yahay laba Tababar (Dawro)oo sanad waliba loo qabto guud ahaan macallimiinta Qur”aanka Kariimka ee magaaalada Laascaanood .
Tababarkan oo socday muddo Sadex maalmood ah ayaa waxaa soo qaban qaabisay Mu’asasada Al-Karam ee Horumarinta Dacwada iyo bulshada ,Dawradaan ayaa  waxaana lagu baranayay sidii loo horumarin lahaa :
1:Barashada Qur’aanka Kariimka iyo Culuunta Diinta Islaamka .
2:Akhlaaqiyaadka laga rabo Baraha Qur’aanka Kariima ah ,
3:Waajibka ka saaran Macalinka ardayga iyo bulshada
4:In macalinka la siiyo dhiiri gelin hawsha uu  hayo bulshada .

Sh Siciid Muuse Xaaji Nuur oo ah Gudoomiyaha Xafiiska Dacwada ee gobolka Sool , ayaa sheegay in Tababarkani sanadkiiba laba jeer la qabto , isla markaana Ay Mu’assada Alkaram ay u taagan tahay wacyi gelinta Barayaasha qur’aanka iyo waliba in bulshada ay ku dhaqmaan diinta , Qur’aanka barashdiisana ay noqoto ahmiyada koowaad ee ubadka iyo dhalaankuba ay ku indha dillaacsadaan .

Sidoo kale , Waxaa goob joog ka ahaa hogaanka sare iyo masuuliyiin ka tirsan Hay’adda Qur’aanka kariimka ee gobolka Sool .
Tababarkan oo soconayey mudo laba maalmood ah ayaa waxaa ka mid ahaa Macalimiintii ka soo jeediyey mawduucyada ku wajahaan macaliminta quraanka ee magaalada Laascaanood Sh Dr Axmed Jaamac Ismaaciil Mire .

Halgan.net
Laascaanood

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online